Xildhibaan Katirsan Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Doorashada Guurtida
July 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ka hadlay Doorashada Golaha Guurtida, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda la dajin xeerkii lagu soo dooran lahaa Guurtida, waxaanu ku taliyey in aad looga baaran dego, oo aad looga fiirsado.
Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in muddo kordhin dambe loo sameeyo Madaxtooyada iyo Golayaasha Sharci dejinta, waxaanu sheegay in aanay Shacabku raali ka ahayn muddo kordhin dambe, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Doorashada Golaha Guurtida iyo Xeerkoodu waa xeer adag in aad looga baaran dagana uu u baahan yahay, culays badana in la saaro uu u baahan, Guurtida markii hore qaab sahlan baa lagu soo doortay, waxaana Golaha Guurtidu samaysmay dhawr iyo laabatan sanno ka hor, xilligaas iyo maanta farqi weyn baa u dhexeeya, xilligaas Beel waliba waxay lahayd hal Suldaan, Xukuumuadduna Suldaanka ayey u xil saaraysay oo ay lahayd reerkiinu saamigaas buu helay, ee soo door Suldaankaas baa doorayey, maantana Suldaankii qudha ma jiro, halkii uu Suldaanka qudhi jooge niman ilaa 15 oo Suldaano sheeganaya ayaa jooga, Doorashada Guurtidu sidii hore wey ka bedelantay ee waxay u baahan tahay in aad looga fikiro, oo sharcigu sidii hore uu ka bedelan yahay ee waa in aad looga fikira siday ku imanayaan Golaha Guurtida dambe, dad badani waxay jecel yihiin in halkii hore laga wado, dad badana waxay jecel yihiin in halkii hore waxba ku socon mayaana in laga bedelo, dad badan baa jecel in Gobol lagu saleeyo, oo Gobol ka yimaadana oo Gobolo loo qaybiyo, xeerka Guurtidu ku imanaysaa maaha mid sahlan, ee waxa weeye in Madaxweynaha iyo wax-garadka culus ee dalku leeyahay inay qaabeeyaan sida ay u dhacayso Doorashada Guurtidu”