berberatoday.com
Fidmooyinka Wasiir Cukuse ee Burburinta Xisbiga Ucid oo Muuse Biixi Iyo Waddani Usoo Kireysteen+ Madaxtooyadda oo Indhaha ku Haysa Iyo Xilka Qaadistiisa oo La Weriyey+ Fadeexadaha Xil-gudasho La”aaneed ee Dul-hogganaya…W/Q. Cabdifataax Cali Faarax
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa shaqadiisi kaga mashquulay sidii uu Saxada Xisbinimo uga saari lahaa Xisbiga Ucid, isla markaana waxa uu si cad qayb uga noqday Shaqsiyaad u banbaxay inuu dabada ka riixo Mashruuca labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ku waddaan Xisbigan saddexaad ee Ucid, kaasoo labadooduba jecel yihiin inuu saxadda Siyaasadda ka baxo.

Wasiir Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse) oo muddo xilkan Wasiirnimo ee wasaarada Xanaanada Xoolaha hayey ayaa gudashada Xilkiisi kaga mashquulay inuu u kala war qaado Xisbiyada, waxanu Wasiirkani hadda si hoose ula shaqeeya Xisbiga uu hoggaamiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro, sidoo kale waxa uu af dhalanteed ah kula socdaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Geesta kale, Wasiirkan ayaa tahli kari waayey inuu damiyo cabashada deegaankiisa ee Banka Qool caday, hase-yeeshee Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Md. axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) ayaa isha ku hayaa habdhaqanka Wasiirkan ee la xidhiidha Basaasnimada horta leh ee uu lasoo baxay, waxana Wararka laga helaayo Qasriga Madaxtooyaddu sheegayan in la diyaariyey Warqada Xilka Qaadista wasiirka Xanaanada Xoolaha.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cukuse ayaa ah shaqsi aan miisaan ku lahayn Beesha u metelo, hase-yeeshee Xukuumaddan tallada haysaa Xilka ugu dhiibtay aftahannimo, iyaddoo uu hadda ka tagay wasaaradii uu Aftahanimada ku joogay, waxanu hadda shaqadiisii iyo tii difaacida ku bedelay inuu Xukuumadda uga war sheekooddo Xisbiyadda Mucaaridka ah, isagoo u gudbiya Sirta Xukuumada iyo arrimaha uu wax ka oggaaddo. La soco qaybaha danbe warbixintan.
W/Q
Cabdifataax Cali Faarax
cabdifataax4144@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews