berberatoday.com
Gardarada Faysal,yaanay Gama”a u diidin Guddida Diiwaangalinta Ururada ( Dacwada Xisbiga UCID)
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

“Goaankani markii uu soo baxey marka laga tago guusha gaar ahaan uga soo hoyatey Faysal Cali Waraabe, waxay dhaawac weyn ku keentay sii jiritaankii Xisbiga UCID. Wuxuu xisbigii afka saarey wadadii burburka iyo kala daadsanaanta, manayna muuqan si xisbigaasi lagu soo kicin karo ama dib loogu soo celin karo golaha xisbiyada ee magac iyo milgaba leh”.

Bahda Mareegta Farshaxan
Luulyo, 2016
Hordhac:
  Afartaa dheh, Deelleey!           Dig siiyee ku soo noqo
Demmenaha warkiisii                     Dadka waxa ka soo dhacay
Duruustii la barayoo,                     Daarihii burburay shalay
Waxa maanta kaga daran              Iimaan darnaantiyo
Nabaad-guurka diintiyo                 Kaga dhacay damiirkoo
Dal waxaan ku noolahay                Saddexdii dalaaqood
Lagu furay dadnimadii.                 Dal waxaan ku noolahay
Runtu arag darraysoo                 Daaddihi! la yidhi been.
Hadday dunida ceeb tahay           Dus-duskiyo khiyaamadu,
Noo dabeecad weeyaan.              Nin dillaala mooyee,
Degmadaan ku noolahay            Nin daryeel yidhaahdaa,
                  Dulli buu ka qoran yahay. 
                         Maansadaii Daba taxan  Abwaan MAxamed Xaashi Dhamac Gaarriye  -IHUN.                                       
 
Xisbiga UCID waxaa leh bulshada Soomaaliland,waxaa maalgalisay bulshada Soomaaliland, waana hantida  qaranka Soomaaliland.Waxyeelaynta Xisbigaa iyo kuwa kaleba waa hanti qaran oo la burburinayo oo keensanaya in danbi qaran ummada iyo dalkaba laga galay. Qaranimadii ayaa la soo weerarey ayey tidhi gabadh aad u da yar oo joogtay goobihii  lagu curyaaminayey  askartii Inqiaabka ku samaynaysay madaxweynaha Turkiga ee  maalintii Jimcihii ee ay bisha Luulyo aheyd 16, 2016
Maaha markii koowaad  ee  Faysal Cali Waraabe uu Maxkamada  u tago dacwad ku saabsan  Xisbiga UCID. Bahda Mareegta Farshaxan ayaa taageero laxaad leh u fidisay markii ay   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  Ciro iyo Aadan Mire  Waqaf ku soo  oogeen   Faysal Cali Waraabe dacwad  ka dhan ah.  
Cabdiraxmaan Maxamed Ciro wuxuu la aasaasey  Faysal Xibiga UCID, Halka uu Aadan Mire Waqaf(IHUN) oo markaa ahaa guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga uu  waqti badan iyo dadaal badan galiyey siduu xisbigu u noqon lahaa mid  hanqaada.
Faysal markan  laba jeer ayuu  isku soo sharaxey  Madaxweyne, hase yeeshee labada jeerba wuu hoobtay. Dadka  reer Soomaaliland umay arag  inuu mudan yahay inuu u noqdo madaxweyne. Mar dadka reer Soomaalialnd waxay doorteen mudane Daahir Riyaale Kaahin ( 2003) , marna waxay doorteen mudane Axmed Maxamed Siilaanyo (2010).  
Tani waxay dhalisay in  hogaankii  ka hooseeyey ee xisbiga UCID ay u soo bandhigaan  Faysal inuu  iyaga fursad siiyo. Hase yeeshee sharciga UCID markaa  diidmo muu muujinayn in  Faysal sii ahaado gudoomiye, xilli musharaxna layslama gaadhin. Sidoo  kale ayaa Cabdiraxmaan Ciro oo  ka hadlaya Faysal Cali Waraabe  sheegay inuu dhmaadey xilligiisii hogaamineed uuna la mid yahay lacagtii gobolada bariga Soomaaliland laga badaley ee  Giimbaarta la odhan jiray. Sidoo kale ayaa  waxaa dib u dhac weyni ku yimid shirweynihii xisbigu yeelan lahaa. Shir degdeg ah oo  kooxda taageersan labadan  hogaamiyena ( Ciro iyo Waqaf) ay qabteen waxayna doorteen inuu Aadan Mire Waqaf(IHUN) yahay hogaamiyaha ku-meel gaadhka.
Waa arimahaa halka ay  bahda mareegta Farshaxan u aragtay in Faysal ku toosan yahay, ayna taageero buuxda ugu fidisay. Gaal dil gartiisana sii ayey Soomaalidu ku maahmaahdaayee, Faysal  ayey garabsiisay  mareegta Farshaxan. Waxaaney Mareegta Farshaxan taageero ahaan soo bandhigtay qoraal ay  baadi-sooc  uga dhigtay Ma Cirro ayaa ah Gardaro garab og ah, Mise Faysal baa giimbaar ah?
Waxaa kale oo xilligaa intaan goaanka maxkamadu soo bixin taageeray saadaasha  Bahda Mareegta Farshaxan mudane xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo yidhi : Waxaan ku idhi Ciro Iyo Waqaf, Faysal Cali Waraabe muu dhicin isagaana Xisbiga keenay, xukuumadu ama maxkamad ha u gudbiso ama ha xukunto, Hadaan qabyaalad ku shaqaynayo berigii Garxajis baxay ayaan raaci lahaa
 Goaankii maxkamada ee kama danbeysta ayaa ku soo baxey sidiii qoraalka mareegta Farshaxan uu sii saadaaliyey. Gartu markay cadahay  waa sida  dayax 14aad ah oo qof waliba wuu arki karaa, daahna lama saari karo. 
Bishii Sebtember horaanteedii, gugii 2011dii  ayey Maxkamadu soo saartey goaankii kama danbeysta ahaa oo odhanaya inuu Faysal Cali Waraabe yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga UCID, cirkana loo laaley dacwadii labada mudane ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Aadan Waqaf(IHUN). 
Goaankani markii uu soo baxey  marka laga tago guusha  gaar ahaan uga soo hoyatey Faysal Cali Waraabe, waxay dhaawac weyn ku keentay sii jiritaankii Xisbiga UCID. Wuxuu xisbigii afka saarey wadadii burburka iyo kala daadsanaanta, manayna muuqan si  xisbigaasi  lagu soo kicin karo ama dib loogu soo celin karo  golaha  xisbiyada ee magac iyo milgaba leh. Muu laheyn xubno  tiro leh  oo bixin kara  awooda dhaqaale ee xisbigaasi  ku sii jiri karo, xafiisyadii  xisbigu ku lahaa gobolada, degmooyinka, iyo tuulooyinka dalka ayaa intooda badan albaabada loo xidhay. Xubnihii  ugu firfircoonaa  ee xisbiga hormood u ahaa ayaa ka digo rogtay oo ka dareeray.Faysal Cai Waraabe wuxuu noqday nin geeri go;an jooga oo biyo raadinaya ama nin ay dooni a gadoontay oo badda dhexdeeda ka raadinaya geed a cuskado.
Intaa wixii ka danbeeysey waxaa  god madow sii galayey  bilicda iyo  himilada Xisbiga. Dadku waxay filayeen wajiyo cusub iyo dibu habeyn lagu sameeyo  xisbiga.  xisbiga UCID wuu sii shiiqayey oo dhimbiilo  diiran iyo holac hor leh ayuu u baahnaa si uu u helo taageero lagu doogsan karo.
Xisbigii  UCID ayaa gaadhey heer  aad u hoosaysa, gargaar degdeg ahna  in loo doono u baahan. Shirkii golaha dhexe ayey xubnihii  tirada yaraa ee markan ku jiray xisbiga ay ku qabteen Hudheelka Crown. Shirkaasi wuxuu socday inta u dhaxeysay labad maamood  oo kaa ahaa  5tii  ilaa 6dii  ee bishii Janaayo 2012kii. Waxaa shirkaa  lagu doortay inuu gudoomiyaha Xisbiga  UCID ahaado mudane Faysal Cali Waraabe.   
Sidaa darted ayaa khudbadii uu Faysal Cali waraabe halkaa ka akhriyey uu ku bilaabey:   Dhaqaale ahaan iyo jidh ahaanba waan burburay. Iminka laga bilaabo isuma soo taagayo doorashada Madaxweynaha. Cidda uu Xisbigu u arko in ay ku habboon yihiin ayaa loo dooran doonaa Murashixiinta Madaxweynaha Xisbiga.
Qofna  afkiisa lagama xaal mariyo, dhagaha bulshaduna way  soo jeedeen odhaahdaa markuu laha Faysal. Kaydka ummada reer Soomaaailand-na wuu ku jiraa.Xilligan waxaa  is-afgaranwaa xoog ihi ka dhex dhacey kooxihii UDUB. Waxaana ka soo goostay koox uu ka mid ahaa Jamaa Cali Xuseen. Xubnihii ku sii hadhey UCID waxay go;aan midaysan ku gaadheen inuu Faysal ku hogaamiyo raadinta  dad xisbigan badbaadiya dhaqaale ahaan iyo xubin ahaanba. Waxaana  la go;aansadey in la heo musharaxiin dhaqaalena haya , ummaduna u heelan tahay  raacitaankooda.
Horaantii bishii Maarso ee gugii 2012 ayaa waxaa hirgaley in wadahadalo  dhex maraan hogaanka xisbiga UCID iyo  kooxdii ka soo digo rogatey UDUB ee uu hogaaminayey Jamaal Cai Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan mataan.Waxaa labada kooxood ku heshiiyeen  qodobo ay ka mid ahaayeen kuwani:
1. Musharaxnimda madaxweynaha iyoi ku xigeenkaba  in  ay yeeshaan siyaasiyiinta UDUB  doorashada soo socota
2.  Sidoo kale in kooxda uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayo la siiyo Xoghayaha Guud iyo Af-hayeenka Xisbiga
3.   Waxaa  Golaha Dhexe ee Xisbiga laga dhigay 250 xubnood oo 100 ay keenaan UCID, 100 kalena ay keenaan kooxda uu hogaaminayo Jamaa Cali Xuseen ee UDUD ka timid  iyo in la qaybsado 50ka  xubnood ee soo hadhay.
Waxaana  go,aamadaa  lagu  saxeesay heshiiskii  ka dhacey Hudheelka Ambaasador  bishii Oktoober 16dii, 2012kii.
Waxaa waayo cusbi u baryeen kooxdii la daalaa-dhaceysay xisbigii UCID, waxaa laga dareemay Faysal Cali Waraabe  inuu helay garab iyo gaashaan. Manuuna qarsan  waxaanu Faysal  ggobo kala duwan kaga dhawaaqan odhaahdan oo siyaalo kaa duwan u dhigan: Waa nin(Jamaal) aan in badan aan aqaaney, aanu xidhiidhi jirnay ilaa iyo 1999, waa nin vision(aragti) leh, waa nin ay qabyaaladu ka maqan tahay, waa nin dhaqaalaha yaqaana, wadankuna wuu u baahan yahay in qof dhaqaalaha yaqaanaa uu hogaanka qabto, waxaan filayaa in  himilooyinkii aan xisbiga u sameeyey iyo barnaamijka u dhisan inuu hirgain doono oo wadi doono . Waxaanu xisbigii ku  sii jaanqaadey  magaca NEW UCID.Iyadoo la cadeynayo inaanu aheyn kii bulshadu codkooga  ku diideen , ee  xubno cusub  oo magic iyo milgaba leh ay hogaaminayaan, xubnana ka yihiin markan.
Nin kastoo dakano galay           Qoluu dabada geliyoo
Denbi dhacay masuul ma leh.   Markaad hebel duqaysaa,
Reer hebel damqanayaan.         Ninkii dood ka keenana
Dicaayado raqiis iyo                  Waxaa lagu didsanayaa
Cid baa kaa dambaysoo,          Ninkii dooxi kara boog
                     Looma waayo daabaqad
Maansadaii Daba taxan  Abwaan MAxamed Xaashi Dhamac Gaarriye  -IHUN-
La soco qaybaha danbe ..
Afar cisho oo UCID sharcigu u siiyay olaha doorashadii golaha degaanka 2012-waxa uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen u  kala gooshay Hargeysa,Sheekh, Gebiley, Burco, Boorama iyo Ceerigaabo. Wuxuu ahaa murashaxii kowaad ee gaadha magaalada Laascaanood ee caasimadda Sool. Engineer Faysal Cali-Waraabe wuxuu afarta cishaba joogay Hargeysa iyo Sallaxley
Tixraac:
Qolka Kaydka Mareegaha Farshaxan
Aragtidayda Iyo Halka Uu Khilaafka UCID Ku Aroorayo –  
            Siciid  Maxamuud Gaheyr 
        Xubin Golaha dhexe ee UCID
-https://www.youtube.com/watch?v=lmtxUINNt9Y
(Faysal Cai  oo ka waramaya sababta uu u doortey musharax Jamaal Cali Xuseen )
Mareegta  Xisbiga UCID
Qalinkii :
Fu,aad Sheekh 
Bahda Mareegaha  Farshaxan
www.farshaxan.com  iyo www.farshaxan.org 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews