berberatoday.com
Maxkamada Ciidamada Somaliland Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Eedaysanayashii Loo Haystay Dilkii Taliye Casayr Iyo Yusuf Geeraash Oo Mar Kale Beesha Saaxil Godob Kale Ka Galay
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in xukuno kala duwan oo iskugu jira dil iyo ganaax xadhig ciqaabeed ah Maxkmada Ciidamada Somaliland ku riday eedaysanayashii loo haystay dilkii Taliye Marxuum Cabdirisaaq Casayr oo ahaa Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil oo horaaantii sanadkan lagu diley duleedka magaalada berbera Gaar ahaan Buuraleyda Biyoolay.

Maxkamada ciidamada ee kiiskan qaadaysay ayaa waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay 8 kamida eedaysanayaasha dilka Taliyaha loo haystay oo shan kamidi maqan yihiin sadex kamidina maxaabiis yihiin oo maxkamada horteeda joogeen kuwaa sidoo kale waxa ay Maxkamada Ciidamadu xukun ku riday 9 eedeysane oo uu kamid yahay gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillahi oo isaga lagu xukumay 8 sideed Bilood oo xadhiga ah waxa kaloo iyagana min 7 todoba sanadood oo xadhiga lagu xukumay 8 kamida eedeysanayaasha dilka Taliyaha loo haystay oo intooda badani maxaabiis ah oo maxkamada horteeda joogay Maxmada ciidamadu waxa kaloo ay Sanad xadhiga ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Jaamac oo ah nin dhalinyaro ah oo aan falka ku jirin oo laga soo qabtay tuulada laasadawaco kadib markii lagu eedeeyay in ay kooxdan Dilka taliyaha loo haystay jaad ka iibsadeen sidoo kale Maxkamadsa ciidamada ee kiiskan qaadaysay waxa ay xoriyadoodii ucelisay shan kamid ahaa dadkii dilkan loo xidhay kuwaas oo uu kamid yahay Dr Aadam Cabdikariim oo laga xidhay mukhaayad kutaala Saldhiga Dhexe Ee Berbera ku hortiisa isaga oo ku Qayilaya Iyo Maxamud Kaladiin oo isagana laga qabtay goob kale balse aan shaqo kulahayn dhacdadaas sidoo kale dad ka kale ee maxkmadu sii daysay ayaa isugu jiray darawaliin watay gaadiid uabaxa deegaanka biyoolay oo jidka laga qabqabtay iyo dad reermiyiya oo laga soo qabqabtay deegaamada u dhawdhaw biyoolay.

Eedeysnayaasha Maxkamada fadhiyay ee dilka lagu xukumay ayaa waxa kamid ah Cabdirisaaq Dubad dhegoole. Maxamed Jaamac Caraale(Dheglo)iyo nin kaloo magaciisa lagu koobay Jamaal halka la sheegay in ay maqan yihiin shan eedeysane oo kale oo dilka lagu xukumay

Garyaqaanka udoodaayay eedaysanayaashan Dilka taliyaha loo haysto oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaalada ka fog oo xukun qarqoosh ah cide gaarana lagu raali galinayo maadama oo aan Maxkmada horteeda laga cadaynin gacan ku dhiiglihii dilka Taliyaha geystay wax markhaatiya oo maxkamada la hor keenayna aanu jirin.

Gudoomiyaha maxkmada Ciidamada Yuusuf Geerash oo ah Xaakimkii dawlada Maxamed Siyaad Bare ee Faqashta uxukumi jiray saraakiisha Jabhadii SNM laguna xasuusto  xukunkii uu ku fuliyay Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid Alle Ha Unaxariiste oo ahaa korneylkii ay ka bilaabantay samaynta jabhadii SNM  dilkiisuna ka dhacay Dharkeyn Geeye ayaa maantana dil cadaalad ka fog oo axmaqanimo ah ku xukumay dhalinyaro kasoo jeeda isla beeshii alle Ha Unaxariiste Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid oo dilkiisa uu xukumay Yuusuf Geerash godobtaasina ay sii laba kaclaysay maadama oo uu dil aan cidii fulisay la haynin oo aan cadayn uu 8 nin iskaga xukumay isaga oo cid gaara ku raali galinaya oo aanay waxbana ku gaadhin dilkii uu badheedhka ahaa ee uu ku xukumay Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid alle Ha Unaxariistee.

xukunkan dilka ah ayaa siweyn looga hadal hayay magaalada berbera maanta iyada oo qof kasta oo maqlaana uu ku tilmaamayay xukun cadaaladsa ka fog oo cid gaara lagu raali galinayo laysuna dawladaynayo oo xukunkii iyo dawladnbimadiina laka sheeganayo oo awood dawladeed laysku muquuninayo.

 

 

Amedwali Cabdi Faarax

Berberatoday.com/Hargeysa

Wali23@gmail.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews