berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Wasiir Cali Mareexan iyo Gacan-yare Cali Gobanimo la kaashaday Burburinta Xisbiga Ucid+ Dabino Qoolan oo ay Faysal Cali Waraabe u maleegen iyo Isku Dayaddii Guddida Diiwaangelinta Ula Tageen Ee Dhicisobay
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka hawlaha Guud iyo guryeynta Somaliland md. Cali Mareexan iyo Wiilka Gacan-yaraha u ah Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo lagu Magacaabo Cali Gobanimo ayaa muddo badan isku dayey inay marrin habaabiyaan Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda xilligii ay ka garnaqaysay khilaafka Xisbiga Ucid ee u dhexeyey labada garab ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Iyagoo isku dayey inay Guddida ku kas badan dhaqaale Laaluush ah.

Hase-yeeshee hindisahoodda waxa si cad ganafka ugu dhuftay Guddida Diiwaangelinta oo dooda labadaas Nin ka door biday inay karaamadooda iyo sharafta ay leeyihiin awgeed ay ka maraan dariiq cadaaladeed, iyo sidoo kale badbaadinta Xisbi qaran oo ah mid saameyteeda lahayd. Wasiir cali Mareexan iyo Gacan yare Cali Gobanimo ayaa qayb ka ahaa xubnaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi u wakiishay inay gacan ka siiyan sidii Guddidu u duudsiyi lahayd xuquuqda iyo sharciyada garabka Xisbiga Ucid ee uu hogaamiyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Wasiirka iyo gacan-yare Cali Gobanimo ayaa in badan wajiyo kala duwan isku dayey inay u kaxeystaan Xubnaha Guddida Diiwaangelinta si ujeedadooda uga dhaadhiciyaan, balse ay mari waayeen Guddida sifo kastoo ay ula tageen.

 

 

Geesta kale, Wasiir Cali Mareexan iyo gacan-yare Cali Gobanimo ayaa ka shaqeynaaya sidii ay garab u siin lahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe sidii uu u baabin lahaa Xisbga Ucid, waxanay labadan Nin si joogto ah khadka Telefoonka ugula xidhiidhan Gudoomiye Faysal, waxana arrintaa caddeyn u ah, kaddib Arbacadii todobaadkan markii deegaanka qoton-dabo lagu caleemo saarayey Suldaankii dhalinyaradda ahaa, waxaanu indhaha saarnayn Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka garaacaya Mobelkiisa gacanta Cali gobanimo, sidoo kale wasiir Cali Mareexan waxa uu madal kastaa kaga faana inuu yahay jiheeyaha Gudoomiye Faysal sida Rimuudka u haga. La soco qaybaha dambe.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews