War Deg-deg Ah”Xukuumada Oo Xabsiga Utaxaabay Suldaan Cali Saleebaan iyo Gudoomiyaha Beesha Saaxil+Madaxtooyada Oo Bilawday Ugaadhsigii Madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil
July 24, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay laba kamid ah Sallaadiinta beesha Gobolka Saaxil, kuwaasoo ku sugna magalaada Burco. Labadan Madax dhaqmeed ayaa lagu kala magacaaba Suldaan Cali Salebaan Maxamed(Cali Qanjo) iyo Gudoomiyaha Beesha Axmed Xasan (Dhogori) Gudoomiye Cismaan Aw Ismaciil Xaaji Xirsi.
Waxanay goor dhoweyd Ciidamada Boliiska Gobolka Togdheer ay Xabsiga U Taxabaan. Iyadoonay Caddayn Sababta Rasmiga Ee ka Dambeysay Xadhiga.
Hase-yeeshee wararka la xidhiidha Xadhiga madax-dhaqameedka ayaa sheegaya inay salaadiintasi shirku qabteen magaaladda Burco. Shirkaa oo googol xaadh u ahaa shir Beeshaa Gobolka Saaxil dhowaan ku qabsan doonto deegaanka Baxarasaafka oo katirsan Degmada Laasgeel(Dacarbudhuq) kaasoo dhacaya bishan danbe.
Sidoo kale Waxa la sheegay inay amarka xadhiga Madax dhaqmeedkan soo bixiyeen Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Iyo Wiilka Uu Madaxweyne Siilanyo sodog Uyahay ee Baashe Morgan