berberatoday.com
Waxan Leeyhay Xukumada Kulmiye Dadka Qoriga Haw Dhiibina Oo Ha Ku Ciyaarina Amniga , Dekedu Ka Weyn Wax Dan Gaara Loo Wareejiyee Iyo Aarsi Siyaasadeede. Qalinkii Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

Aniga oo ka mida masuuliyiinta Degmada Berbera ee Xisbiga Wadani oo waliba si qoto dheer uga war haya xaalada Degmada Berbera iyo guud ahaan ba Gobolka ayaa waxaan halkan ku soo gudbinayaa dareenkayga ku aadan wareejinta Dekeda wayn ee caalimiga ah ee magaalada Berbera iyo wax yaabaha laga dhaxli karo hadaba markii aynu ku biirnay Somaliya waxii ka danbeeyey waxaynu kula soo noqonay xoog iyo halgan ay inaga dhinteen halyeyo aan tiradooda la soo koobi Karin halka ay qaarkalana inaga soo naafoobeen oo leh qaar ilaa hada nool oo naafa ah waakii lahaa Abwaankii waynaa sida gobolka bari galbis iyo gacan haadis luguma helin tan ragbaa u soo goay bal goon yaheeda eeg waxa garab cas taal. Waxaa iyana cadaana oo aan indhaha layska qabankarin in geesiyadaa u soo halgamay uu hadafkoodu ahaa in ay dadweynahood ka faaiidaystaan oo ay ka helaan adeegyada deked looga baahna, iyada oo ay ku hamiyayeen in dadkooda cadaalad iyo sinaan loogu adeegi doono. Hadaba aan ku soo noqdo ta maanta taagane ah waxaa maanta taagan in hantidii ay umaduu wada lahayd ay Xukumada gacanta maanta dalka ku haysaa ay ku hayso boob qaawan kaa si oo ay waliba badiba ku dhamaysay. Waxaa intaa dheer waliba in ay si gaar ah ugu hayso boob G/saaxil oo aad arkayso in Hogaanada ugu sareeya Xukumaduu in ay aarsi siyaasadeed ku hayaan G/saaxil Taasi waxay ku cadahay sida bilaa xishoodka iyo xayada ah ee ay xukumaduu boobka ugu hayso Hantida Umada ka dhaxaysa ee Illahay dhigay G/Saaxil. Iyada oo aynu ogayn halkay Xukumda Kulmiye hore u marisay Warshadii Laydhka, Haamihii kaydka Shiidaalka, dekedii Kaluunka, airport ayaa hadana maaanta waxay doonaysaa in ay Dekedii wayned ee qaranka in ay wareejiso taaso aan suugal ahayn. Hadaba waxaan leeyahay dawladani waa ubadkeeda cuna waxay la mactahay xayawaanka kuwa ugu liita sida ( Mukulaasha) xayaanka Bisaaska waxaa lagu yaqaanaa inuu kala labi caruurtiisa cuno. Raga G/saaxil ka soo jeeda ee Xukumada kulmiye xilalka ka hayana waxaan leeyahay kolay waan ogahay oo badan kiina damiirka sharaf ilaashiguu idinkumuu hadhine wax oo waxaad tihiin dilaalin daydaysa wax ay dilaalaan oo wax looga dhiibee . Hadana( soomalidu waxay ku maahmaahdaa qof nool lagama quustee ) Sidaa awgeed anigu waxaan idinku waanin laha cunta labada talaabo dhaantaa jirtee shaqdan xun ee haysaan iyo waxaa ka helaysaan ba iska daaya . waar had ina gumeednimo lama qaato rag magac baa ka hadhee. Kuwa waanadaydaasi ay ma melefantay ee beri hore shaqa xumada iyo boobka hantida umadu la tagtay waxaan leeyahay kulmiye wuu tagi sidii kuwii ka horeeyeyba ay u tageen. Hadaba waxaan leeyahay dawladuu amaanka ha ilaaliso. Wareejinta dekeduna waxay abuuraysaa amaan daro ma jirto haddii amaan ku faraha ka baxana ci soo celinka kartaa. Waxaan leeyahay Xukumada Kulmiye Dadka qoriga hawdhiibina oo amaanka khalkhal ha gelininaWaxaa Qaran lagu yahay waa Amaankee . Waxaan aad u soo dhaynayaa shirka Baxarasaafka ee Beesha G/saaxil degtaa ayaheeda kaga tashanayso mana diidanin

 

 

Aqoonyahan: Ismaaciil C/Laahi Cilmi ( Dheeg)

Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani

Dheeg99@hotmail.co.uk 0634120761 telesom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews