berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hub Dhawan Dawlada Masar Ku Wareejisay Xukumada Somaliya
July 24, 2016 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa dawladda Masar eedeeyay in aanay u gudin Somaliland abaalkii ay u gashay markii uu ku socday dagaalkii ay Israa’iil la gashay isla markaana aanay xasuusnayn hoggaamiyeyaasha Masar taariikhda ay wadaagaan Somaliland.

Wasiir-Cadami.jpg

Waxaa kale oo uu caqli xumo iyo cadaawad ku tilmaamay hubka ay Soomaaliya ugu deeqday dawladda Maraasidu,waxaanu sidaa ku sheegay mar uu xalay u waramayay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan gobolka Sanaag.

“Horta caalamka maanta waxaad moodda in wanaagii uu dhammaaday, isla  markaana aan la isu abaal gudayn oo la masaxayo taariikhhii hore ee la wada lahaa,dawladda Masar iyo dadka reer Somaliland waxaa ka dhexeeyay xidhiidh dhow oo walaalnimo iyo

 

isu hiilin taasoo muddo badan soo taxnayd bulshada reer Somaliland waxay halgan naf-hurnimo  ugu hiiliyeen dawladda iyo dadka Masar markii uu ku socday dagaalkii ay la galeen Israa’iil taana waxaa Somaliland u ogaa raggii Masar ka soo taliyay oo dhan sida Jamaal Cabdinaasir iyo Anwar Saadaat. Markaa Masar Somaliland waxay ka filaysay in ay abaalkii wax kaga soo celiso laakiin in ay cadaawad ugu dooriso oo ay hubayso cid aan masuuliyadda hubka qaadi karayn oo dhibaatayn iyo waxyeelo la doonaysa Somaliland loogama fadhiyin laakiin waa tallaabo cawadnimo iyo colaad ay Dawladda Masar gashatay Somaliland,”ayuu yidhi  Wasiir Cadami.

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Somaliland mar kasta waxay dhiiri galinaysaa oo ay soo dhawaynaysaa cid kasta oo Soomaaliya oo aanu laba dal kala nahay wax u taraysa oo wanaag iyo wax qabad ku biirinaysa in kasta oo ay iyagu colaad noo hayaan oo ay wali dhibaato nala daba socdaan, annagu wanaag ayaanu la rabnaa iyo in ay caqliga ka koraan oo ay dhiigga ay iska daadinayaan ka gudbaan oo ay wax noqdaan laakiin cid kasta oo dalkaa isagiiba burbursan ee ciidamada afrika nabad gelyada u joogaan ee aan deganayn hub siisaa waxay khatar ku tahay xasiloonida dalkaas laga doonayo iyo guud ahaan nabad-gelyada mandaqada.”

“Sababtoo ah hubka Soomaaliya la siiyaa waa hub la dhex dhigay kooxo is u gaadhsanaya oo aanay midina awood u lahayn in ay qaado masuuliyaddiisa,”ayuu ku dooday Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland.

Mr. Cadami isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Dawladaha Jaamacadda Carabta dalalka Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobayba waxaan u sheegaynaa in ay la socdaan in Masar ay jabisay cunaqabatayntii hubka ee Soomaaliyta saarnayd iyo in ay khatar galinayso nabad gelyada mandaqada iyo qaarada afrikaba kol haddii ay hub u gacan galinayso dawlad aan hanan karin nabad gelyada qasriga Madaxtooyada ee ay degen tahay. Madaxda Soomaaliyana waxaan leeyahay ninka hub idiin keenay idinka ayuu isku kiin dilay madaxdiina ka aqbashayna waa idiin caqli xumo buskud ayaa umadiina hubka u dhaama intaad Somaliland cadaw ka dhiganaysaan ee aad qarannimadeeda diidan tihiina caqli taiyaa idinka maqan.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews