berberatoday.com
Jamhuuriyada Somaliland Nile Academic Schools Iyo Fethulaha Gulen Waa Inay Qadiyad Adag Iska Taagta ? Nin baa laga hayaa soorta layso wado Ee Aan cuni doon san -sankeed ayaan ka garata siday u eeg tahay !.Qalinkii Abokor Mohamoud
July 25, 2016 - Written by Berbera Today

Nin baa laga hayaa soorta layso wado Ee Aan cuni doon  san -sankeed ayaan ka garata siday u eeg tahay  !.

Xukumada maanta gadh wadeenka ka ahi Jamhuuriyad Somaliland waa inay  cadeysaa halka ay ka taagaan tahay  Nile Academic iyo  Ninka aas asaha isla mar ahaantaana  xaqlaha ka ah ee lagu magaacabo Fethulaha gulen oo lagu  edeynaayo  fidmadii ka dhacaday dalka Turkiga 15/07/16 oo aan la ogeyn sida ay runtu tahay iyo inuu Fethulaha Gulen ka danbeeyey iyo in kale  laakiinse sida uu ka dhawaajiyay walina ku doodaayo hogaamiyaha Hogaanka u haya Dalkaas Turkiga  inu yahay ninka malegay isla markaana dhaqaale iyo talona kulaa inqilaabkii aan hirgelin yahay Fethulaha Gulen .

Hogaamiyah Dalka Turkiguna u guntadey sidii uu xididada  ugu saari laha dhamaan Aduunka meel kasta oo ay  Fethulah Gulen Ha,yadahiisa Nile Academic school xidhidh iyo shaqeyn la leeyihiin inuu albaabada u xidho hasa yeeshae waxaa Jamhuuriyad somaliland ka mid tahay Wadamada ay Ha,yadaha Fethulaha Gulen ka howl galaan  markaan ka hayeen shaqo joogto ah sandihi ugu danbeeyay.

Jamhuuriyad Somaliland waxaa la gudoboon inay  laba Arimood mid kood kala doorato  oo kala ah .

Jamhuuriyad somaliland tahay mid ka mid ah jaariyadaha Erdogan leeyahay ee u shaqeeya isla markaan waxa uu doonaayo iyo amarkiisa fulisa sida koonfurta Soomalida oo kale waxaa shaqadeedu tahay iyo cida ay u shaqeynaysaa toona ahayn Ummada ay magaceedi sidato ee ay  tahay ta dhabta ahi inay  u shaqeysa sidaa Erdogan iyo waxii la mid ah .

In jamhuuriyad Somaliland tahay dal iskii u madaxbanan isla markaan Siyaasad iyo sharciga u ku dhaqmaya  yahay kii Ummadeedisu  dhigatay  isla markaan aanu ka fuli karin kana hirgeleyn waxaa horjoogah Turkiga ee wakhtigani doonaayo in lagu sameeyo haya,daha uu leeyahya Ninkaa uu ku eedaynaayo inqilaabkii aan suurto galin ee ka dhacay Turkiga  markaan doonaayo ka dhabeeyo tii aheyd  inuu xididada u saaro waa sida isagu ku hami weyn yahay .

 Sido kalena halkaana ay ka cadaato Jamhuuriyada Somaliland tahay dal leh madaxdeedu  mowqifkeedu cad yahay ummadooduna ay ku garab taagan tahay wax kasta oo muujinaaya jirtaankood  Dalnimo iyo ummadood sharaftood iyo karamadooda korna u qaadaya .madaxda Jamhuuriyad Somaliland Turkiga  iyo hogaankood si aan gabasho lahayn ugu cadeyso inaaney ka sareyn Nile Academic schools gudaha jamhuuriyad Somaliland  ayna jirin sababo soo dedejiya inay  dalkood  ka saran amaba shaqo joojin ku sameeyaan haya,daha Fethulah gulen.

Jamhuuriayad Somaliland  ayna u kula hiilineyn ummada turkida mid madax iyo mid shacab ahba balse ay turkida u gaar tahay waxay isku hayaan dhexdooda hadii ay siyaasad ku taxaluuqdo iyo hadii arin kaleb tahay ay mar walba Jamhuuriyad Somaliland iyo Madaxdeed iyo shacabkeeduba ku boorinayaan inay si is afgarad ah ay ku dhameystaan Turkida iyo Ummadaha kale  Islaamka ah e ee dhibaatooyink khiilaafyadu ka dhex aloosan yihiin  balse aaney u kula hiilinayn una kala dab qaadaeyn waxa turkida ka dhaxeeya iyag gudahooda .

Waxaa kalo jirta ninka  ku magacaabn inuu yahay wakiil u jooga Turkiga Jamhuuriyad somaliland inuu maalintii dhaweyd uu Saxaafada la hadlayey arimo ay ka mid yihiin in baasaborka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Turkigu ogolaaday in lagu tagi karo iyo inaad kala doorataan kooxda Fethullah  gulen iyo Turkigan uu ka dhawajiy  waxaa oo dhan uu sheegay intooda badan waxay been wweynu  ognahay halka uu Turkigu ka taagan yahay arinta qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo Madax banaanideed ta u sheegay ee carababy ee ku saleysan baasaboorkuna waa wax xadiidan oo waxa uun ogol yahay waxii siyaasad ku jira gaar ahaan walib ayado lacago fara badan iyo meel farabadan uu sii mariyo qofka u ogolaanyo .

Marnaba kuma jirto in sida Muwaadinta iyo Dadka Ganacsatada  jeebkodu yar yahay baasaboorka Jamhuuriyad Somaliland  ku tagi karaan heli karana visa Turkiga iyago ciidooda Jamhuuriyada Somaliland ku sugan .

 Gaba gabadii

Hadii Jamhuuriyada Somaliland ku dhaqaaqdo inay maqasho eedeynta Erdogan iyo beenta uu la wareegaayo kan sii deynaayo idaacadihiisa doonaayon inuu ku xalaal sado Duunyada  iyo hantidii Fethullah Gulen waxaa cadeyneysa  inaan Jamhuuriyada Somaliland ahayn Dal xor ah waxaa kale oo taa ku cadeyneysa waa hadii ay dhacde in isagu u arkaayo in Xamar ina siisay aamar isla mar ahaantana Qadiyadeen iyo Madax banaanid Dalkeen dhaawac weyn u keeni karto hadaan xukumadu Axmed siilaanyo iska taagin meel adag.

 Jamhuuriyada Somaliland  ku doodin awilba aniga namaad  Aqoonsaneyn   Dalnimayad iyo  qadiyadayada maantana Mr Fethullah Gulen iyo  haya,dihiisu inaaney ku kicin wax ka dhan ah Dalkan Iyo Ummadan Jamahuuriyada Somaliland isla mar ahaantana iyago haya,dahaasi iskood u daaya shaqad iyo howlaha Waxbarashada ku saabsan mooyaane  hadii anu nahay Madaxda Jamhuuriyad somaliland waa u ogol nahay inay shaqdooda wadaan waan is garab taageyn waxii kaalmo ah ay noog baahdaan balse ta Turkiga,  anigu wax shaqo ah oo aanu ku leenahay ma jirto  horena Turkiga ,iyo ninkaa  gadh-wadeenka ka baryahan danbe wax dan ah oo naga dhexeya ma jiraan aan ahayn in Islaamnimad iyo in Diintu naga dhaxeyso sidaa ay Wadamada, faraha badane Islaamkaba, nooga dhaxeyso .

 Hadii Turkig Ninka  gadhka u haye wax ka bedelaayo tii hore uu ku dhaqmayeey  markaana arin  cusub iyo cilaaqad is qadirinta Dalkayag iyo Ummadayada gar waaqsanaayo waa wax laga wada hadli kara  laakiint tii hore ee uu noo jeexay ayaa jiraysa anagu wanaag ayaanu jecelahay inaanu Aduunka, iyo ummadaha, Islaamkab, kula macaamile  .

Balse marka aan E,eego  sida Ahmed  Siilaanyo u hadleyey iyo wasiikiisuna hore ugu hadley waxay u e,eg tahay mid aan go,aan adag laga qaadeyn waxaana aan  ku saleyn kara sidii Ninkii, yidhi soorta lay soo wado ee aan cuni doono siday u eeg tahay san saan keeda ayaan ka gartaa oo ah waxaan ogahay intii shirar ee iyo ceebood ee loo horseeday Jamhuuriyada Somaliland  meel dhac weyn oo in badan laga soo kabaneyn inoo keen tay ee Xukumad Axmed Siilaanyo gadh-wadeen ka yahay  iyadaan hubsan waxna Ummada ka weydiin ugu sibir dhaqaadey ugu danbeyntiin af kal qaad iyo ceeb ,foolxum lag qaaday dhawac -yadeedina intoodi badney aynu arag nay maanta ay tahay markhaati madoon .

Abokor Mohamoud

Waa Billaahi Towfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews