berberatoday.com
Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Taageersanyahay 9-Ka Qodob Ee Guddiga Diiwaangalinta Ururadda Siyaasadda Ay Ka Soo Saareen Khilaafka Xisbiga UCID
July 25, 2016 - Written by Berbera Today

Aniga oo ku hadlaya Afka Xisbiga UCID ee Dalka UK haday tahay masuuliyiinta Dalka UK iyo Taageerayaalba,   Waxan halkan ku cadaynaynaa in aanu taageersanahay Go’aanka  9-ka qodob ah ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland,  taas oo lagu xalinayo khilaafka Xisbiga UCID.

 

Xisbiga UCID ee Dalka UK wuxu diyaar u yahay in qayb weyn uu ka qaato, abaabulka Shirweynaha aan caadiga ahayn ee lagu qabanayo mudada 45 cisho gudahood sida ku cad go’aanka Guddiga Diiwaangalinta ururada siyaasadeed.  Waxaanu labada Garaba ugu baaqaynaa in ay u hogaansamaan 9-ka qodob ee Guddiga Diiwaangalintu soo saartay.

 

Waxaanu hanbalyaynaynaa Garabka Jamaal Cali Xuseen oo iyagu si Duuduub ah ku aqbalay Go’aankii 9-ka qodob ahaa ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangalinta Ururada siyaasadeed ee Somaliland.  Halka Garabka Faysal Cali Waraabe aad moodo 9-ka qodob in aynan kuwada qanacsanayn oo inta raali-galisay uun ay ka qaateen, intii kalena ay ku sheegeen wax ka hor imanaya Sharciga Xisbiga UCID.  Taasoo wax lala yaabo ah, Garabka Faysal  Cali Waraabe waxaanu kula talinaynaa in ay Go’aanka sidiisa ku wada aqbalaan ama ay racfaan ka qaataan xukunka oo ay Maxkada-Sare ee Dastuuriga  u dacwoodaan sida sharcigu u ogolyahay.

 

Xisbiga UCID ee Dalka UK ama Ingiriiska wuxu talooyin u soo jeedinayaa Madaxda sare ee Xisbiga iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka Gudihiisa ku sugan, qodobadan oo aanu muhiim u aragno.

 

1)      1-  In labada Garab ee Xisbiga UCID ay si duuduub ah ku aqbalaan 9-ka qodob ee Guddiga Diiwaangalinta Ururada Siyaasadu ka soo saareen Khilaafka Xisbiga UCID. Si xisbiga loo badbaadiyo

 

2)      2-  In shirweynaha aan caadiga ahayn  ee lagu qabanayo 45 cisho gudahood uu noqdo,  Shirwayne ay ka soo baxaan Masuuliyiin Shacabku u hanweyn yahay oo hanankara quluubta Shacabka  reer Somaliland.  Oo uu ugu muhiim sanyahay in Xisbiga UCID  uu Helo ama Shirweynaha lagu doorto Guddoomiye Cusub.  Sababtoo  ah  Taageerayaasha Xisbiga UCID iyo Shacbiweynaha reer  Somaliland waxay ogyihiin ama isla qirsan yihiin in Mushkilada ama caqabada ugu weyn ee  Xisbigu ka dhaqaaqi la yahay in uu yahay Eng. Faysal Cali Waraabe. Haddii aan isaga labadalina ay arrinteenu noqonayso hadaynu nahay reer UCID dad Dhaaminaya Foosto Hunta Ka Daloosha.

 

3)      3-  In labada garab ee Xisbiga UCID  uu midkasta dhinaciisa ka shaqeeyo sidii Xisbigu u midoobi lahaa, khilaafkana loo soo afjari lahaa si Xisbigu sharaftiisii iyo qiyamkiisii ula soo noqon lahaa maadaama Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanku fooda inagu soo hayaan.

 

4)      4-  In  Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Xisbiga UCID uu noqdo mid lagula xisaabtamayo Masuuliyiintiisa haday tahay Guddoomiyaha iyo haday tahay Musharaxa Madaxweyne, laysna weydiiyo xagee xisbigana ka dhaqaaqi la yahay?, maxaa loo buuxin waayay boosaskii banaan ee xisbiga? , Aafada Xisbigan ku habsatay xagay ka timo?. Maxaa kalifay in Xisbiga UCID oo Xisbi Mucaarad ah in uu noqdo Xisbi Madaxtooyadu ku shaqaysato oo marna lagu garaaco Xisbiga WADANI? Xisbiga UCID ma Xisbi Qaranbaa mise Waa Makhaaxi Faysal Cali Waraabe leeyahay.? Waxaa soo Su’aalo ah ayaa loo baahanyahay in ay iswaydiiyaan Ergada Shirweynaha aan caadiga ahayd ee Xisbiga UCID.

 

 

Mr. Cabdiqaadir Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Saxaafadda Xisbiga UCID Ee Dalka UK

warfaa_101@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews