berberatoday.com
Itoobiya Oo Joojisay Dawooyin Masar Samayso Oo Tayadoodu Aad Aad U Liidato
July 26, 2016 - Written by Berbera Today

Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Wasaarada caafimaadka ee dalka  Itoobiya ayaa hakad galisay daawooyin lagu samen jirey 11 warshadood oo fadhigoodu yahay dalka Masar. Go’aankan ayey Itoobiya gaadhay kadib markii ay wafdi u dirtay dalka Masar kuwaas oo booqday 13 xarumuud oo lagu soo saaro daawooyinka, waxaanay ku sameeyeen qiimayn tayada daawooyinka Masar soo saarto.

ggg
Madaxda caafimaadka ee Itoobiya aya shegay in daawooyinka la hakiyey ay ka hooseeyaan heerka tayada ay wasaarada caafimaadka Itoobiya  u dajisay dawooyinka dibada ay kala soo degto Itoobiya.

Wargeyska Al-Masry Al-Youm ee ka soo baxa magaalada Qaahira ee dalka Masar  ayaa go’aanka ku tilmaamay mid waxyeelo ku noqon kara warshadaha daawooyinka Masar oo ku tiirsan dhoofinta dawooyinka, balse waxaa warbxinta lagu xusay in ayna warshaduhu Itoobiya oo kaliya u dhoofin dawooyinka. Madaxa golaha Masar ee dhoofinta daawoyinka, Mr. Maged George, ayaa muujiyay walaaca ay Masar arrintan ka qabto.

Masar ayaa guddi u sameysay arrintan iyada oo baadhis lagu sameynayo waxyaabaha Itoobiya ka cabaneyso.

Sidoo kale, waxaa la filaya in gudigu kullan degdeg ah la yeesho safiirka Itoobiya oo fadhiya Masar, Maxamud Dirir, sidii xal looga gaadhi lahaa waxyaabaha keenay hakinta dhoofinta daawooyinka.

Geesta kale, shirkadaha daawooyinka Somaliland ayaa dalka keena daawooyin tiro badan oo lagu sameeyo dalka Masar, kuwaas oo ay sameeyaan qaar ka mid ah wershadahan ay Itoobiya joojisay, waxaanay daawooyinka Somaliland soo galaa sida badeecadaha kaleba ku soo galaan iyadoon lagu samayn baadhis lagu hubinayo tayadooda.

Inta badan dadka Somaliland ee dibadaha ugu baxa xaaladaha caafimaad, ayaa waxa ay dhakhaatiirta ay booqdaan kala kulmaan su’aalo laga weydiiyo daawooyinka ay isticmaalaan ee lagu iibiyo suuqyada Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews