Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxyo Ka Dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cadde Xamar
July 26, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 11-ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay laba Qarax culus oo maanta ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.
Wararka ayaa sheegaya in Qaran dadka ku dhintay ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana ka dambeeyay qaraxyadan Al-shabaab, sida ay ku daabaceen barahooda.