berberatoday.com
Madaxweynaha Koonfurta Sudan Oo Magacawday Madaxweyne Xigeen Cusub Kii Horena Eryay
July 26, 2016 - Written by Berbera Today

Juba(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha mucaaradka dalka South Sudan, Riek Machar, oo horay u saxiixay heshiiskii nabadda ee uu la galay Madaxweyne Salva Kiir, ayaa xilkii uu hayay ee ahaa madaxweyne kuxigeenka koobaad laga qaaday oo lagu badalay siyaasi kale, kaddib markii uu kala jabay xisbigiisa.

Riek Machar, waxaa lagu badelay, Taban Deng Guy, oo ahaa madaxii wefdigii mucaaradka uga qayb galay wada xaajoodyadii nabadda, kaasi oo loo caleema saarayba inuu yahay gudoomiyaha xisbiga.

Riek Machar ayaa isaga baxay magaalada caasimadda ah ee Juba, kaddib dagaal culus oo dhexmaray ciidammadiisa iyo kuwa taageersan madaxweynaha.

Wuu diiday inuu ku soo noqdo caasimadda ilaa inta ciidan nabad ilaalineed oo dhexdhexaad ah oo nabadgalyadiisa damaanad qaada la keenayo magaalada.

Taageerayaashiisa ayaa tallaabada Machar lagu badelay ku tilmaamay mid “sharci-darra ah”, iyagoo sheegay in arrintaasi aanay go’aansan inta badan hoggaanka mucaaradka.

Laakiin baaqaasi ma hakinin in si rasmi ah xilkii madaxweyne xigeennimo loogaga qaado digreeto madaxweyne.

Haatan cabsida jirtaa waxa weeye in taageerayaasha Machar yiraahdaan heshiiskii nabadeed wuu burburay oo mar labaad dalku galo dagaal sokeeye, waa hadii aqlabiyadda mucaardku taageeraan magacaaabidda cusub, sidoo kalena waxa aan ilaa haatan caddayn labada nin ka daacadda loo yahay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews