Shacabka Maamul Goboleedka Putland Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Xulka Kubada Cagta Putland Iyo Abaal Marinno Loo Ballan Qaaday
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Dabaal-dagyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayay guushii ay xulka Maamulka Puntland kasoo hoyeen tartankii Koobka Maamul-gobleedyada Somalia ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shalay ayaa ka dhacay maagaalooyinka waa-weyn ee Puntland.
Kooxda Puntland ayaa shalay gool-ku-laadyo uga badisay kooxda Jubbaland, kaddib cayaar adag oo ahayd cayaartii ugu dambeysay tartankaan, waxayna uga badisay 5-3.