berberatoday.com
Axmed I. Samatar Oo Wareysi KULMIYE La Yeeshay Ku Saaf-saafey Shaqsiyadda Muuse Biixi, Qallafsanida Lagu Sheego, Musuqmaasuqa, Naxariista & Aragtidiisa Somaliland
July 27, 2016 - Written by Berbera Today

“Muuse waxa loo haystaa Qof is-qaad-qaada badan oo Qab badan, Laakiin markaad gudo-gasho ee aad la sheekaysato….” Prof, Axmed I. Samatar – Wareysi

 Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan ka biiray Xisbal-xaakimka Somaliland ee KUL MIYE, ayaa wax laga waydiiyey Aqoonta uu u leeyahay Shaqsiyadda Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey waxyaabaha uu ku arkay shaqsiyaddiisa, gaar ahaan dhinacyada ay ka mid yihiin Hoggaamintiisa iyo Hammigiisa ku taxan Mustaqbalka Somaliland.

Warka 1-aad (6)Axmed Ismaaciil Samatar oo Wareysi siiyey Waaxda Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa mid mid u sharraxaya waxyaabaha uu illaa hadda ka yaqaanno Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay isku dugsi ahaayeen Xilligii Waxbarashadooda.

Samatar oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Muuse Biixi sida loo haysto in badan buu ka duwan yahay markaad gudo-gasho ee aad la sheekaysato. Muuse waxa loo haystaa Qof is-qaad-qaada badan oo Qab badan, waa laga yaabaa Qaabka uu u socdo ee uu ILAAHAY u abuuray inay Dad u fahmaan (Nin is-qaad-qaad badan). Laakiin markaad in badan wada hadashaan ee aad sheekaysataan waa Nin aad iyo aad u deggan.”

Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in Muuse yahay Siyaasigii koowaad ee Soomaali ah ee waxaanu aqoonta u lahayn ka joogsada, “Muuse  waa Qofkii koowaad ee Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee aan la sheekaysto ee ku odhanaya Anigu waxaa…waxaa iyo waxaa ma garanayo ee Dadkii yaqaanay hala doono, taasina waxay ku tuseysaa Qofku siduu u bisil yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Muuse Biixi waxaan ku arkay inuu yahay Qof Kaftanka yaqaanna, oo aad wax badan kaftan ku dhamaysan kartaan, waxa kale oo aan ku arkay in Muuse yahay Qof aan Siyaasadda u soo gelin inuu Waddanka liqo oo uu (Hanti) ka urursado, oo Musuqmaasuq gelo, aad iyo aadna arrimaha noocaas ah uga damqada. Waxaan ku arkay Muuse inuu yahay Qof garanaya oo ay damqeyso Gaajada, Shaqo la’aanta iyo Tacabka Dadka Reer Somaliland intooda badan haysta.”

Aqoonyahanku waxa kale oo uu ka hadlay sida uu Muuse ku yahay ilaalinta acdiga uu Dadka la galo, “Waxaan arkay in Muuse yahay Qof haddaad talo meel isla dhigtaan oo aad isla fahamtaan Qowlkiisu miisaan leeyahay oo aan berri wax meel kale u jeeda aan kuula imanayey ayaan illaa imika ku arkay.”

Axmed Ismaaciil Samatar, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu Guddoomiyaha KULMIYE isha ugu hayo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira Somaliland isla-markaana u baahan in wax laga qabto, “Waxaan arkay in Muuse Biixi yahay Qof garanaya dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Somaliland ka jira waxay yihiin, doonayana in deg-deg wax looga qabto, waxa uu muuqata inuu doonayo inuu arko Somaliland oo intan ka sii qurux badnaato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu tilmaamay in Hiigsiga Muuse Biixii Cabdi lagu xaqiin karo isku diibni ee aanu isaga oo keliya waxba ka qaban karin, “Laakiin, Hiigsiga dheer sida la iskugu dubba-ridayo Qof keliya ma keeno ee koox baa keeni doonto, waxaan rajeynayaa inaan Kooxdaa ka mid noqdo.”

Prof, Axmed oo la waydiiyey sida uu u arko Hoggaaminta Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa sheegay inaan Hoggaamintu ahayn Qof keliya ee tahay Koox isku aragti ah oo meel ka wada duusha, “Hoggaamintu Qof maaha, ee waa Koox wada socoto, Qof keliya waxba ma maqan karo, Aniguna taa waxaan ka bartay Nelson Mandela. Markaa Guusha la gaadhayaa (Doorashada)  kuma xidhna Qof, ee waxay ku xidhan tahay Kooxda wadda (Kooxda Ololaha Xisbiga Wadeysa) ee gaadhsiinaya Ummadda iyo Adduunyada kale, Kooxda soo fadhiisanaysa ee Dawladda dhisaya (Guusha ka dib).” Ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews