Ciidamada Amaanka Ee Berbera Oo Xidhxidhaya Gaadiidka Iyo Dadka Lagu Arko Sawirada Shirka Baxarasaafka+Dad Iyo Gaadiid Tira Badan Oo Saldhiga Dhexe Berbera Laga Buuxiyay
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera oo kaashanaya kuwa milatariga ayaa daafaha magaalada Berbera ka xidhixidhaya cid kasta oo gaadhigiisa ama gacantiisa lagu arko sawirka(steakerka) ah ee lagu shaacinayo shirka la sheegay inuu Beelaha Gobolka Saaxil uga furmi doona bisha dabayaaqadeeda Deegaanka Baxafarasaafka oo katirsan degmada laasgeel(Dacarbudhuq)kagana beegan dhinaca waqooyiga.