berberatoday.com
“Haddii Somaliland Oo Dhan Iga Soo Horjeedo Oo Ilaahay Ii Qoray Waan Helayaa, Xoogna Laguma Fuulo Kursiga Madaxweynenimada” Musharrax Jamaal Cali Xuseen.
July 27, 2016 - Written by Berbera Today

“Soomaaliduna waxay tidhaah; ‘cimri tegay ceeb laguma sagootiyo.” Go’aankaasi wuxuu ahaa go’aan guul u ah xisbiga UCID ee ma aha mid guul noo ah annaga shaqsiyan, annagu sidii aannu doonaynay oo dhan kamaannu wada helin, laakiin waa inaad garta qaadatid haddii aad nin weyn tahay, gartaasna sideeda ayaannu” Musharrax JamaalHargeysa(Berberatoday.com)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in doorashada madaxtinimadu tahay wax ka baxsan awooda dadka bani’aadamka, isla markaana ay xidhan tahay qadarka Ilaahay oo aanay qofna seegi doonin wixii Alle u qoray. Md. Jamaal oo saxaafadda la hadlay doraad, waxa uu tilmaamay in go’aankii ka soo baxay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, 21 July 2016 uu ahaa mid guul u ah xisbiga UCID, dhinacadooduna si buuxda u qaateen go’aankaas, uguna qanacsan yihiin.

“Waxan taariikh ayaa ka hadha, doorashooyinkana Ilaahay (SWT) ayaa haya ee bani’aadam kuma hayo gacanta. Haddii Somaliland oo dhan iga soo wada horjeedo oo Ilaahay ii qoray waan helayaa oo xisbiga UCID wuu heli, haddii Somaliland iyo cid walba ay na taageerto oo aannu Ilaahay noo qorinna heli mayno, xoogna laguma fuulo kursiga madaxtinimada, Soomaaliduna waxay tidhaah; ‘cimri tegay ceeb laguma sagootiyo.” Go’aankaasi wuxuu ahaa go’aan guul u ah xisbiga UCID ee ma aha mid guul noo ah annaga shaqsiyan, annagu sidii aannu doonaynay oo dhan kamaannu wada helin, laakiin waa inaad garta qaadatid haddii aad nin weyn tahay, gartaasna sideeda ayaannu u qaadanay oo duuduub ayaannu ku liqnay, waanan aqbalnay,” ayuu yidhi Jamaal.

Waxa kaloo uu fariin u diray taageerayaasha xisbiga UCID, waxaannu yidhi; “Taageerayaasha xisbiga UCID waxa aannu leenahay guul ayuu xisbigu marayaa oo in yar ayaa inoo hadhsan, shirweynahaas la inoo sameeyey ayaannu annagu ku dedaalaynaa inuu qabsoomo oo xisbigu noqdo xisbi qaran, hawlihiisana uu qabsado, waana xisbi la wada leeyahay oo Somaliland oo dhan wada leedahay, bari ilaa galbeed, waxana la inaga doonayaa sidii aynu u badbaadin lahayn xisbigaas qaran.

Soomaalidu waxay tidhaa; ‘raggu saddex wax ayuu ku kala tegi jiray, ninka wixii tegay yaqaan ka hadhkooda, ninka waxa jooga yaqaan wax ka qabashadooda iyo ninka waxa soo socda yaqaan garashadooda.’ Maanta waxa la innooga baahan yahay in aynu saddexdaas adeegsanno oo isku duubnaanno. Annagu diyaar ayaannu u nahay in aannu wadajir ka shaqayno, diyaar ayaannu u nahay in UCID noqdo xisbi qaran oo diyaar ayaannu u nahay in aynu u diyaargarawno doorashooyinka oo guntiga dhiisha isaga dhigno.

Haddii gartii la qaaday maanta oo aannu duuduub ku liqnay, isagana (Guddoomiye Faysal) waxa aannu ka filanaynaa inuu duuduub ku liqo oo uu meel isugu lugo duwado, sida uu doonana annagu maanta diyaar ayaannu u nahay,” ayuu yidhi murrashaxa UCID.

Waxa kaloo uu sheegay in Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ay si wanaagsan uga garnaqeen dacwaddii xisbiga UCID, “Nimankaasi way dedaaleen, in la hambalyeeyana xaq ayey u leeyihiin, waxayna sameeyeen dedaal weyn. Dadka badankoodu way ka shakisnaayeen oo waxa ay is lahaayeen malaha nimankaasi gar wanaagsan qaadi maayaan. Nuxurka go’aankoodu waxa uu ahaa in xisbiga UCID ku bahoobay laba garab oo awoodda iyo xooggii xisbiga la isugu geeyey, sidaas ayuuna xisbi qaran ku noqday markii ay dhegaysteen dacwadihii iyo wax walba, waxayna leeyihiin ‘waar heshiiskiinii inta idiinka dhinayd ee ahayd shirweynaha dhammaystira oo weliba Faysal Cali-waraabe ku doodayey intaas ayaa dhiman.

“Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa; ‘kol haddii nirigta la wada leeyahay, hashana waa la wada leeyahay.’ Waxa aannu u nimi xisbigii hore ee UCID oo baaba’ay oo weliba 90% uu ku biiray xisbiga WADDANI, kadibna garabkayagii iyo dhinacii kale waxa aannu wada galnay heshiis aannu wax walba ku qaybsanay 50% (si is le’eg), Faysal-na waxa uu ahaa ninkii saxeexay heshiiskaas oo ahaa mid aannnu ku qasabnay annagu.”

Murrashaxa Jamaal ayaa sidoo kale tilmaamay in waqtigaas uu Eng. Faysal Cali-waraabe ka dalbaday garabkooda inay xisbiga UCID la soo saaraan, maadaama waqtigaas la furay ururradii siyaasadda, waxaannu xusay in doorashadii Golayaasha Degaanka ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2012 uu UCID ku guulaystay inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee dalka Somaliland, kadib markii ay dedaal, awood iyo dhaqaale geliyeen, sidaa darteed aan waqtigan cid gaar ah sheegan karin xisbiga UCID.

“Anigu waxa aan rumaysanahay in Guddida Diiwaangelintu u nasteexeeyeen Faysal Cali-waraabe, waayo Faysal wuu ku tuntay sharciyadii xisbiga, sharcigii qaranka iyo wax walba, waxaanan ku dacwaynay wax badan iyo xeerar badan oo uu jabiyey, wixii oo dhan way ka gaws-adaygeen oo waxay is yidhaahdeen isku haya xisbiga UCID oo u nasteexeeya odayga (Guddoomiye Faysal), waxna waad qaldan tahay kumay odhan, laakiin waxay yidhaahdeen wixii lagu heshiiyey ha la dhammaystiro, waxayna diideen in xisbigaasi ku burburo gacantooda”

Murrashaxa UCID, ayaa sheegay in Guddoomiye Faysal Cali-waraabe siyaabo kala fog uga hadlay mowqifkiisa go’aankii ka soo baxay Guddida Diiwaangelinta, “Faysal maalintii (21 July 2016) laga soo baxay halkaas saddex jeer ayuu hadlay oo uu si kala gaar ah u hadlay, mar wuxuu yidhi waan diiday oo sharci iyo xeer ayaannu leenahay, kaas ayaanan ku dhaqmaynaa. Mar wuxuu yidhi waan ka soo tashanayaa, marna wuxuu yidhi waan guulaystay oo waan oggolaaday (go’aanka). Waxa aan leeyahay bal meel uun ha isugu lugo duwado. Haddii uu yidhaah racfaan ayaan ka qaadanayaa oo Maxkamadda Sare ayaan u tegayaa, waa wax uu xaq u leeyahay, waannu samayn karayaa, laakiin sharaf-dhac ayey u tahay isaga oo xisbigana uma sii wanaagsana oo maxkamad kale ayaa la isla sii gelayaa, annaguna ma nihin niman hadhaya, adiguna waxaad doonaysaa in lagu yidhaahdo xisbigii adiga ayaa iska leh oo sida aad doonto ayaad u maamulanaysaa, taasina maaha mid dhacaysa. Maxkamadda Sare waxay raacaysaa waddada ay raacday Guddida Diiwaangelintu oo iyaguna ma doonayaan in xisbiga UCID ku burburo gacantooda oo la eedeeyo, welibana go’aankoodu wuu ka sii adkaanayaa, annaguna waxa laga yaabaa in aannu meelo kale sii qod-qodno oo ay adiga kaaga sii darto weliba,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews