Haweenay Laba Todobaad Umulaneyd Oo Kujirtay Dadkii Shalay Laga Xidhay Tuulada Lafaruug Oo Loo Diiday In Loo Geeyo Ilmeheedii Oo 14 Habeen Jira
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida sheegen ehelada Haweenay laba Todobaad umul ahayd oo kamida aheyd dadkii shalay lagu eedeeyay inay Mudaharaadkii taayirada lagu Gubay ka sameeyeen Tuulada Lafaruug Xili uu Madaxweyne Siilanyo safar ku maraayay oo hada ku xidhan Saldhiga News Hargeysa ayaa waxa isla shalay galinkii danbe laga daba geeyay wiilkii yaraa ee ay dhashay oo 14 maalmood jira ama laba todobaad waxaana la sheegay in Ciidamada amaanka ee Saldhigaas News Hargeysa diideen in haweenaydaas ilamaheeda loo geeyo si ay unuujiso naaska maadama oo ilmuhu yahay mid naaska ay ku xidhan tahay noloshiisu oo aan wax kale quudan karin ilaa shalayna biyo fax ah ama sonkor leh lagu maaweelinaayay sida ay sheegayaan war aanu ka helay mid kamida ehelada haweenaydaas umusha ah oo lagu magacaabo Axmed Xasan jibriil oo nala soo xidhiidhay.