berberatoday.com
Haweenay Laba Todobaad Umulaneyd Oo Kujirtay Dadkii Shalay Laga Xidhay Tuulada Lafaruug Oo Loo Diiday In Loo Geeyo Ilmeheedii Oo 14 Habeen Jira
July 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida sheegen ehelada Haweenay laba Todobaad umul ahayd oo kamida aheyd dadkii shalay lagu eedeeyay inay Mudaharaadkii taayirada lagu Gubay ka sameeyeen Tuulada Lafaruug Xili uu Madaxweyne Siilanyo safar ku maraayay oo hada ku xidhan Saldhiga News Hargeysa ayaa waxa isla shalay galinkii danbe laga daba geeyay wiilkii yaraa ee ay dhashay oo 14 maalmood jira ama laba todobaad waxaana la sheegay in Ciidamada amaanka ee Saldhigaas News Hargeysa diideen in haweenaydaas ilamaheeda loo geeyo si ay unuujiso naaska maadama oo ilmuhu yahay mid naaska ay ku xidhan tahay noloshiisu oo aan wax kale quudan karin ilaa shalayna biyo fax ah ama sonkor leh lagu maaweelinaayay sida ay sheegayaan war aanu ka helay mid kamida ehelada haweenaydaas umusha ah  oo lagu magacaabo Axmed Xasan jibriil oo nala soo xidhiidhay.

waxaana Xalay ilaa Saaka hor tuban Saldhiga dhexe ee News Hargeysa dadweyne arinkaas ka fajacay iyo ehelada haweenayda oo uu kamid yahay Saygeedii oo ilmaha sida ilaa hadana aan haynin cid ugarawda.

Dhaqankan ayaa ah mid fajac iyo amakaag ku abuuray bulshada ka war heshay iyo waliba ehelada iyo qoyska haweenaydaas oo dhibaato weyni ka haysato ilmaha dhashay ee hooyadii loo diidanyahay xaaladiisuna khatarta ku jirto.

waxa kaloo ay ehelada iyo qoyska haweenaydani sheegeen in xiliga lasoo qabtay ay biyo ay gurigeeda usoo dhaansatay sidatay oo kusii jeeday gurigeeda oo wada udhaw sidaasna lagu soo qabtay wax danbiya oo ay gashayna aanay jirn oo umul ahaydba.

dhinaca kale habdhaqankan ayaa hore loo arag oo naadir ku ah dhaqanka umada islaamka iyo ka caalamiga ahba.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews