Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay In Inqilaabka Fashilmay Ee Turkigu Saamayn Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Dalalka Somaliland & Somaliya Iyo Arrinta Nile Academy –
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan sameynta uu ku yeelan karo inqilaabkii fashilmay ee Turkiga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inqilaabkaas Turkiga ee fashilmay iyo waxyaabaha laga baran karo, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Inqilaabka fashilmay “Inqilaabka ama Afgambiga dhicisoobay ee Dalka Turkigu dhiig ba ku daatay, dad ba ku dhintay, dadna badan baa ku dhawacmay, balse waa tusaale muujinaya inay dalkaas shacabkiisu aad iskugu xidhan yahay, waa mid muujinaya inay Dimuqraadiyadii si toos ah uga hirgashay, maxaa yeelay marar badan oo hore ayaa Ciiidamada dalkaasi isku dayeen inay inqilaabaan Xukuumaddihii soo maray, dhammaantoodna wey ku guulaysteen balse Inqilaabkani wuu fashilmay, waxayna shacabka dadkaasi muujiyeen in aanay marnaba raali ka ahayn in Xukuumaddii ay soo doorteen in la rido, laguna rido Inqilaab, dalkana uu Ciidan xukun milatari xoog ku xukumo, waxaana aynu odhan karnaa Shacabka dalka Turkigu iyagoo bilaa hub ah ayey haddana awoodooda iyo kartidooda muujiyeen,aadna wey u adag tahay in Inqilaab dambe la isku dayo”.