berberatoday.com
MAXAY KU KALA GEDISANYIHIIN XUKUNKA DILALKII QORSHAYSNAA EE KABTAN MAXAMED YUUSUF CADDE IYO TALIYE CASAYR ? CADAALAD MA TAHAYSE IN 8 NIN LOO DILO TALIYE MIDNA 3 SANNO LOO XUKUMO DADKII GEYSTAY?.
July 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Baraha Bulshada ayaa Maalmihii ugu Danbeeyay Waxaa Si Wayn loogu Hadal hayay Noocyada Cadaalada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo noqday Wax aan Caqliga Bani aadamku Qaadan Karin isla markaana Shacabka ku keeni kara Kacdoono Riiq Xun ku Reeba Jiritaanka Somaliland.

Bulshada Reer Somaliland ayaa Maalmahanba Si Wayn isku Barbar dhigayay Xukunka Dilalka labada Taliye ee Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax (Mays) iyo Taliye Cabdirasaaq Maxamuud Casayr oo Siyaabo kala Duwan Shirqoolo loogu kala Dilay Berbera iyo Qorilugud.

casayr-iyo-mays

Dilkii Alle ha unaxariistee Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland  Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax (Mays) ayaa dilkiisu uu ahaa Shirqool aad u Xun isla markaana Shaki ku Beeray Ciidamada Somaliland Gudeheeda ka dib markii Askari Maxbuus oo Kabtanku Xidhay la soo Daayay oo inta Qori loo Dhiibay ka dibna uu Toogasho ku Dilay Kabtan Maxamed yuusuf Cade iyo Madixii Hawlgalinta Guutada 17-aad  iyaga oo Salaad ku jira isla markaana loo Diyaariyay Gaadhigii uu ku Baxsan lahaa, Dadkii Dilkaasi Fududeeyay ee Ciidanka ka mid ahaana lagu Xukumay kaliya 3 sanno oo Xadhiga, Taasi oo Shacabka u muujisay Heerka Qabyaaladu ka Gaadhay Hogaanka Talada Somaliland ka Go,do oo Hayb ahaan loo Tirinayo In uu ku Taageeray Dhagarqabe yaasha kana Doorbiday Saamaynta Mustaqbalka ee Ciidanka uu ku yeelan karo Dilka noocan oo kale ah iyo ciqaabta ay umataysteen Dadkii geystay Dilkaasi.

Waxaa Shacabku mar kale ku Baraarugeen dilkii Naxdinta lahaa ee Alle ha unaxariistee Taliyahii Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil C/risaaq yusuf Maxamuud Casayr oo Dablay Hubaysanii Toogasho ku Dileen isaga oo Hawlgal Shaqo ku jira, Dilkaasi oo loo Qabqabtay Dad aad ubadan isla markaana Gadood ka abuuray Gobolada barriga Somaliland oo marxuumku ka soo jeeday.

Dilka Taliye Casayr ayaa Maxkamada Somaliland u Xukuntay 8 nin oo Dil toogashu lagu Fuliyo taasi oo Fajac iyo layaab ku noqotay Dadwaynaha Reer Somaliland ee Goobjooga u ahaa Xukunka Dilkii hore ee Kabtan Maxamed Yuusuf Cadde ee ka Saamaynta Badnaa Dilka noocan ah iyo Qaabka Xukuumada Somaliland uga Hawlgashay Wax ka qabashadiisa.

Xukuumada Somaliland ee Talada Dalka Maanta Gacanta ku haysaa Waxay Cadaysatay Heerka Cadaalad Darro ay ka gaadhay, waxaanay Shacabka umuujisay in Qabyaaladu kaga wayntahay wax kasta oo shacabka Reer Somaliland isku hayn kara,Waana mid Diiwaanka ugu Jirta oo ku Xardhan Kaydka Gabood fallada ay Bulshadu ka Tirsanayo Hogaaminta Xukuumada Kulmiye ka Dhalatay.

La soco Qaybaha Danbe ee Faallooyinka Dilalka Noocan ah  iyo Xukanka Cadaalad darrada ah ee ay Xukuumadu Caadaystay oo ay ka Faalloonayaan Aqoonyahanno Reer Somaliland ah oo ka Damqaday Gabbood-fallada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews