berberatoday.com
Maxay Tilmaamayaan Afarta Farood Ee Madaxweynaha Turkigu Taago Markuu Shacabka La Hadlayo ?
July 27, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-ku simaha  Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Masar Cali Rida Jonaay, ayaa Dadweynaha Dalka Masar u sharraxay Ujeeddada Afar Farood oo Gacmihiisa ka mid ah oo uu Madaxweynaha Turkigu adeegsado marka uu wax Tilmaamayo, ka dib markii Dadweynaha Masar qaarkood sheegeen in Afarta Farood ee Madaxweynaha Turkigu uu taago marka uu shacabkiisa la hadlayo uu uga jeedo Afgambigii hore uga dhacay Masar, kaasi oo loo yaqaanay “Raabica bi masar”.

5795f7b5c361883f7d8b4639Jonaay waxa uu sheegay in astaantani ay tilmaamayso dalka Tukiga oo ku dhisan afar arrimood oo muhiim ah, kuwaas :”Calan kaliya, Ummad mida, Waddan kaliya iyo Xukumad qudha”.

waxa kale oo uu intaa ku daray in dalkiisu uu ka filayay dalka Masar inay eedayso Afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga isla-markaana ay barbar is taagaan shacabka Turkiga, balse arrintaasii aanay dhicin.

Waxa aanu intaa ku daray Mr. Jonaay oo hadalkiisa sii wataa, “Masar way ka gaabsatay wixii ka dhacay Turkiga, Laakiin markii diyaaraddii ay rakaabku saarnaayeen ee ku soo dhacday Saxaraha Siinaay Dawladda Turkigu way Tacsiyadeysay Dawladda Masar.”

Diblumaasigu waxa uu caddeeyay in xidhiidhka Masar iyo Dalkiisa Turkigu aanu wanaagsanayn Baryahan dambe, taasina ay Caddeynayso sida Xukuumadda Masar uga gaabsatay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Dalka Turkiga 15-kii Bishan Julaay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews