berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Sadexda Xisbi Qaran Oo Go,aan Midaysan Ka Gaadhay Arinta Saami Qeybsiga Kuraasta Baarlamaanka Somaliland
July 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan maalmo kooban socday oo ay xaadir ku ahaayeen hoggaanka saddexda xisbi-qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, isla markaana ay shirguddoominayeen Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland(APD) iyo dallada ururrada Bulshada Rayidka ah ee(SONSAF), ayaa talooyin badan oo lagu falanqeeyey sidii heshiis midaysan looga gaadhi lahaa muranka ka taagan saami-qaybsiga Golaha wakiillada, ayaa ugu dambayn la iskula qaatay mawqif midaysan murankaas xal lagaga gaadhi karo.

sadexda xisbi

Qodobada aan markii dambe la qaadanin ee kulankaas lagu falanqeeyey oo saddex soo jeedimood ahaa, ayaa waxa ay kala ahaayeen:
1.In Doorashada Golaha wakiillada lagu galo habkii lagu qabsaday kuraastii 2005-tii.
2. in doorashada Golaha wakiillada iyo saami-qaybsiga kuraasida lagu saleeyo iyada oo la sameeyo tiro-koob qaran(national census.)
3.in Saddexda xisbi qaran ka gaadhaan go’aan qaran oo midaysan habka saami-qaybsiga kuraasida golaha wakiillada.
Falaynqayn dheer kadib hoggaanka saddexda xisbi-qaran waxa ay isla garteen in talada go’aanka ugu dambeeya ee saami-qaybsiga kuraasida golaha wakiillada loo daayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), waxana ay ugu dambayntii si wada jir ah u wada saxeexeen saddexdan qodob ee hoos ku qoran:
1. In arrinta saami-qaybsiga golaha wakiilada dib loogu celiyo madaxweynaha, isla markaana madaxweynuhu go’aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha March 2017-ka.

2. Waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hoggaansamaan go’aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.
3. In Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta(AKD)iyo dallada ururrada Bulshada ee SONSAF ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.

Heshiiskan waxa saxeexay .
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews