berberatoday.com
Xildhibaan Hore Dawladda Soomaaliya Uga Tirsanaa Kana Soo Jeeda Somaliland Oo Fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta Madaarka Muqdisho
July 27, 2016 - Written by Berbera Today
Xildhibaan Hore Dawladda Soomaaliya uga tirsanaa kana soo jeeda Somaliland oo fuliyay weerarkii ismiidaaminta Madaarka Muqdisho
 

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii KMG ee dowladdii Sheekh Shariif ayaa ahaa qofkii fuliyay weerarkii is-qarxinta ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay codka Ex-xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo sanadkii 2010 ka goostay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku biiray kooxda Al-Shabaab oo fikrad ahaan uu taageersanaa.

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaado uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Saalax Badbaado ayaa kaxeynayay gaadhi yar oo weerarkii koowaad ku dhuftay barta ciidamada ka ilaaliyaan Garoonka.

Waa markii ugu horeysay ee qof xil noocaasi iyo da’daas jira uu ku lug yeesho is-miidaam uu naftiisa ku haligay. Saalax Badbaado ayaa kasoo jeeday Somaliland gaar ahaan Beesha Bariga Burco(Habar Jeclo Biciido)

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.

Sidoo kale Saalax Badbaado ayaa sanadii 2014tii Berbera ku haystay Farmasi lagu magacaabi jiray Badbaado Farmasii oo kuyaala agagaarka Suuq Fooq Dheer ee Berbera kahor intii aanu udhaqaajin dhinaca koonfurta somaliya ee uu ka noqday xildhibaanka Baarlamaanka dawladihii Cabdiqaasim Salaad Xasan Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed aakhirkiina uu qaatay fikirka Xagjirnimada oo uu hada ismiidaamin ku geeriyooday isaga oo galaaftay nafaha dad gaadhaya 20 ruux oo somali iyo ajinabi isugu jira.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews