berberatoday.com
Daawo Sawiro :- Maxaa ka soo baxay Shirkii Quraba joogta Ciise muuse ee uk ?
July 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
London(Berberatoday.com)–Shalay fiidkii waxa shir weyn isugu yimi dhamaan Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Qurba jooga Beesha Ciise Muuse kuwaas oo ka tashanayey xaalada guud ee dhawaan ku soo biiray Gobolka Saaxil sida Wareejinta Dakada Berbera,Shirka Bexerosaafka oo ay dhawaan beesha Ciise Muuse qabsanayso iyo 8 nin oo Maxkamada militaryga Somaliland ay dil ku xukuntay, arimahaas oo ay Qurba jooga Beeshu falaqayn dheer ka yeelatay waxay ka soo saareen bayaan u dhignaa 6 qodob.
CiiseMuuseBirmingham1 CiiseMuuseBirmingham2
1)In Xukuumada Kulmiye ay culayska iyo cabudhinta ka dulqaado Gobolka Saaxil isla markaanaay joojiso ugaadhsiga ka joojiso ugaadhsiga gaarka ah ee ay beesha Ciise muuse ku hayso sida Xidhida Haldoorka Beesha Ciise Muuse , bahdilida, Cago juglaynta iyo afduubida Xoriyatul qowlka.2) waxa uu Qurba jooga Beesha Ciise muuse si cad u diidan yahay oo uuna taageersanayn isla markaana uu gacan ku siinayn Xukuumada Kulmiye ee kordhiska ku joogtaa wareejinta Dakadaba Berbera, ,iyadoo ay masayrka dakada berbera uu ka hadli karo oo kaliya Dawlada cod rayid ku fadhida.

3)waxa ay Qurba jooga Beesha Ciise Muuse aanay ogalaanayn Xukunkii Maxkamada Militarygu ku xukuntay 8 nin ee eedaysanayaasha u ahaa dilkii Taliye Casayr,taas oo baalmarsan xuquuqda iyo nidaamka aanu dhiganay oo aan maxkamad military ah la saari karin dad rayid ah.

Qurba jooga Beesha Ciise muusana soo jeediyey in lagu xaliyo Dilkii Taliye Casayr laba qodob:

a)In labada Beelood ee Ciise Muuse iyo Habarjeclo ka wada xaali karaan sida uu dhaqanku ahaa dilkii Taliye Casayr, gogoshana ay dhigayso beesha Ciise Muuse.

b)In Maxkamad rayid ah oo ay eedaysanayaashu ku helayaan xuquuqdooda sidoo kalena uu ku helaayo xuquuqdiisa Taliye Casayr la saaro eedaysanaasha.

4)In Qurba jooga Beesha Ciise Muuse aanay matalin sidoo kalena aanay aqoonsanayn Madaxda ku jirta Xukuumada Kulmiye ee ka mida beesha Ciise Muuse Sidoo kalena wax go,aan ahana ka qaadan karin deegaanka iyo masayarka beesha Ciise Muuse,

5)waxa uu Qurba Jooga Beesha Ciise Muuse uu si buuxda u taagersan yahay Shirka BexeroSaafka ee dhawaan qabsanayso Beesha Ciise Muuse, isla markaana ay Qurba jooga Beesha Ciise Muuse ay si buuxda uu uga so qab galayso,Shirkuna yahay mid ay reerku kaga tashanayaan masayarkooda iyo wada jirkooda,xaqna u leeyihiin in ay samaystaan shir, sida beesha madaxweyne Siilaanyo u samaysteen shirar jifo jifo ah oo ay kaga tashanayeen masayrkooda isla markaana ay ka qab galeen raxan wasiiro beeshooda ah.

6)In Beesha Ciise Muuse Qurba iyo dibadba ay ilaalinayso Horumarka,nabada iyo wada noolanshaha Qaranimada Somaliland, iyadoo horseed u ahayd sida cadaada ahayd, hirgalintii iyo dhisidii qaranka somaliland marnaba looga baqayn Beesha Ciise Muuse wax khalkhal galin ku ah qaranimada Somaliland.

Ilaahay Wanaaga ha inagu wada hogaamiyo iyo cadaaladaba.

Qurba jooga Dan iyo Duco.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews