berberatoday.com
Dalalka ay Ka Soo Jeedaan Dadka Ugu Dhaadheer Iyo Kuwa Ugu Gaagaaban Adduunka
July 28, 2016 - Written by Berbera Today

gabdhaaaaNews York(Berberatoday.com)-Cilmi-baadhis cusub ayaa bedka soo dhigtay in ragga dunida ugu dhaadheer ku nool yihiin dalka Holland, halka haweenka ugu dhaadheerna Latvia.

Waxa kale oo cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacada Imperial oo ku taal magaalada London ee dalka ingiriiska sheegeen in ragga ugu gaagaaban ay ka soo jeedaan dalka bariga Timor (East Timor), halka haweenka ugu gaagaabana ay u dhasheen dalka Guetemala.

Waxa ay khubarada daraasadan samaysay arrintan ku sababeeyeen in ay dhaxal sidayaasha amma hide-sidayaashua ugu wacan tahay, iyagoo iftiimiyey in dalka Maraykanka dadkooda dherarkoodu inuu kordho uu istaagay 20 sannadood ka hor.

Cilmi-badhayaashu waxay fallanqeeyeen macluumaad qarni laga ururiyey dherarka dadka 200 waddan, taasoo natiijadeeda lagu baahiyey Isniintii toddobaadkan jariirada eLife.

Dal kasta dadkiisa dherarkoodu celcelis ahaan wuxuu faa’iido u yahay cabirka muujinaaya nafaqada, caafimaadka, degaanka iyo guud ahaan caafimaadka dadkiisa, gaar ahaan dadku sida ay daryeel u helaan inta ay ku jiraan uurka hooyadood ilaa intay weynanayaan sida uu sheegay Majid Ezzati oo ka tirsan Jaamacada Imperial College London oo daraasadan hormood u ahaa, waxaannu xusay in hide-sidayaashu saameeyaan dherarka qofku hadba intuu leekaanayo.

Cilmi-badhayaashu waxay xisaabiyeen celcelis ahaan dherarka dadka 18 jirka ah oo ah guud ahaan da’da qofka koriinkiisu joogsado, kadibna waxa ay dib u eegis ku sameeyeen in ka badan 1,400 daraasadood oo laga sameeyey 18.6 milyan qof oo gaadhay da’daas intii u dhaxaysay 1914 ilaa 2014-kii.

Ragga ugu dhaadheer ee daraasadu muujisay waxay noqdeen Dutch (Holland) oo dherarkoodu celcelis ahaan noqday 6 fuudh (182.5 centimeters), sagaalka dal ee dadkoodu dhaadheer yihiin isday u kala horreeyaana waxay noqdeen Belgium, Estonia, Latvia, Denmark, Bosnia-Herzegovina, Croatia, Serbia, Iceland iyo Czech Repblic.

Latvia waxa uu noqday dalka haweenka ugu dhaadheer ku dhaqan yihiin, kuwaasoo dherarkoodu celcelis ahaan noqday 5 ilaa 6 fuudh (170 centimeters), halka dalalka kale ee dumarkoodu dhaadheer yihiin siday u kala horreeyaan u yihiin Netherlands (Holland), Estonia, the Czech Republic, Serbia, Slovakia, Denmark, Lithuania, Belarus iyo Ukraine.

Qarniyo badan oo haweenka Koonfurta Kuuriya iyo ragga Iran ahaayeen kuwa ugu dhaadheer, ayaa waqtigan waxa soo baxay in isbeddel uu ku yimi dadka Koonfurta Eeshiya iyo dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya (Sub-Saharan African).

Tobanka dale e haweenkoodu ugu gaagaaban yihiin adduunka oo kaalinta u horreeya ay kaga jirto dalka Guatemala oo celcelis ahaan haweenkoodu 4 fuudh ilaa 11 fuudh (149.4 Centimeters) yihiin waxa ku xiga Philippines, Bangladesh, Nepal, East Timor, Madagascar, Laos, the Marshal Islands, Hindiya iyo Indonesia.

image5317353x

Sidoo kale, dalalka raggoodu u gaagaaban yahay waxa ugu horreeya East Timor oo celcelis ahaan 5-3 fuudh (160 centimers), waxaana ku xiga  Yemen, Laos, Madagascar, Malawi, Nepal, Rwanda, the Marshall Islands, the Philippines iyo Mauritania.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews