berberatoday.com
Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland
July 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in sida keliya ee golahoodu doorasho ku gali karaa tahay heshiis laga gaadho saami-qaybsi caddaalad ah oo la sameeyo.

Md. Baashe Maxamed Faarax oo waramayey Bulsho Tv, ayaa waxa uu soo jeediyey in lagu dhiirrado heshiis laga gaadho saami-qaybsiga kuraasta Wakiillada oo qaabka uu hadda yahay ula muuqado mid caddaalad-darro ah.

“Arrinta saami-qaybsigu beri dhawayd bay soo baxday markii la damcay in Baarlamaanka sharcigiisa la sameeyo, goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu doorasho galo haddii lagu heshiiyo, haddiise lagu heshiin waayo saami-qaybsiga ciddii markaa doorashada ku galaysa iyada ayey jirtaa, annaga waxa noo muuqata in aanay caddaalad ahayn in doorashada sidii hore lagu galo, waa in lagu dhiirridaa saami-qaybsiga golaha sidii loogu heshiin lahaa,” ayuu yidhi Baashe.

Dhinaca kale, Guddoomiye Baashe waxa uu ka hadlay in diiwaangelintu ka qabsoonto gobollada bari ee Sanaag, Sool iyo Buuhoodle waxa uu sheegay in shacabka gobolladaasi xaq u leeyihiin inay is-diiwaangeliyaan oo ay wax doortaan.

“Dadka Gobolka Sool maanta maalin ay uga diyaarsan yihiin in doorashadaasi dhacdo ma jirto. Xukuumadda waxaannu ugu baaqaynaa inay waajibkeeda ka qaadato oo meelaha fogfog loo diyaargaroobo,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Warka Baashe

Waxa uu ugu baaqay shacabka Gobolka Sool inay u diyaar-garoobaan hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabi doonta halkaasi, una soo baxaan qaadashada diiwaangelinta, isagoo dhanka kalena ka digay cid kastoo isku dayda inay carqaladayso hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews