berberatoday.com
Daawo..Siciid Cilmi Rooble Oo Sheegay In Xukuumaddu Muddo Kordhin Ka Baadheyso Rabshadaha Saaxil Iyo Togdheer
July 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka  mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa tafaasiil ka bixiyey Sababaha keenay Mudaharaaddo Maalmohii u dambeeyay ka dhacayey degmooyinka Sheekh, Berbera iyo Burco, waxaanu sheegay in Dadka dhigaya Mudaharaadyadaasi diiddan yihiin xukunka Dilka ah ee lagu riday 8 Qof oo ku eedaysan Dilka Taliyihii Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Caseyr.

Xildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Dawladda waxaad mooddaa inay Rabshadaha dhalinayso, Waayo? Mushkiladdii Dekedde Berbera oo taagan oo aanu ka wada-hadlayno ayay xukunkiina la riday, dadku waxay ka kaceen xukun kaa weeye.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay, “8 Qof oo Qof loo dilo lama arag runtii, waan maqlayey xaakimkii xukumay siduu sheegay, markaa arrimahaas bay ka kaceen Dadka Mudaharaadayaa, laakiin halkii ay Dawladdu dadka ka dejin lahayd xadhig bay bilowday, muddo dheerna xadhiggaasi wuu socday, tuulooyinka Abdaal, Sheekh, Dacar-budhuq Illaa Burco xadhiggu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa dhibaatada waxa socda oo dhami waa Xukuumadda wadda oo kolba xaaladda abuuraysa, xaaladdaana ma korodhsiimo ayey uga jeedaa, waxaan is leeyhay fawdo ha dhacdo oo muddada ha la kordhiyey ayey is leeyihiin, mudada kordhistay is leeyihiin, anigu wax allaalle iyo waxaas maanu fahmin, dadka deegaankaa reer Saaxil iyo Xukuumaddan Silaanyo wax baa ka dhex salag-salag leh, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu waxan khayr ka dhigo.”

Warka Labaad

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay, “Xadhiggani muddo dhawr bilood ah wuu taagnaa, Nin la xidhaba Saaxil way xidhnayd uun, Wariyeyaal ha noqdaan, Dhallinyaro ha noqdaan, Nimankaa la tuhunsanaa ha noqdaan ee la xukumay..Sheekh ama Berbera inta dhacdooyinkana dhaceen Dumar iyo Carruur Soddomeeyo ah baa xidhan. Mudaharaadka xaq baa loo leeyahay, oo waydiinkii ogaa xilligii Rayaale Mudaharaadka waxa na hor-kici jiray Siilaanyo”ayuu yidhi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews