berberatoday.com
Suldaanka Beesha Arab oo beesha Saaxil Raali galin ka siiyey Hadal laga been abuurey
July 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):-Suldaan Guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta somaliland kaas oo sheegaya in isaga iyo siyaasiyiin ka tirsan beeshiisa ay shir ku kala kaceen masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu hogaaminayo gudoomiye Cirro.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo la soo xidhiidhay Hadhwanaagnews waxa uu sheegay inaanu jirin shir uu goob joog ka ahaa oo dhex maray siyaasiyiin Beeshiisa ka soo jeeda iyo hogaanka xisbiga Waddani, waxaanu tilmaamay inuu dhex u yahay dadka siyaasiyiinta ah ee beeshiisa iyo guud ahaan siyaasiyiinta somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa

Waxaan kuu sheegayaa inaanay jirin wararkaas ay warbaahinta qaar faafiyeen ee ku saabsan kulan lagu kala kacay oo dhex maray siyaasiyiin ka soo jeeda beeshayda iyo xisbiga Waddani, aniguna waxaan ahay suldaan guud oo dhex u ah siyaasiyiinta somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba, qolna lama soo fadhiisto siyaasiyiin wada hadlaya.”

Sidoo kale Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa fariin u diray dadweynaha ku dhaqan guud ahaan gobolka Saaxil, waxaanu kula dardaarmay ilaalinta nabad galyada iyo wada noolaanshaha bulshada waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan halkan doonayaa inaan fariin uga diro dadweynaha gobolka Saaxil, waxaanan leeyahay dadku wax wuu taban karaa laakiin sida aynu ku soo caano maalnay waa in tabashada lagu dhameeyaa wada hadal iyo sulux, waxaanan leeyahay waa inaad ku dedaashaan ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanadiina, wixii xukuumada aad ka tabanaysaana aad si degan ugala hadashaan.”

Sidoo kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu warbaahinta somaliland u soo jeediyey inay ka fogaadaan baahinta wararka aan jirin, waxaanu ugu nasteexeeyey wararka been abuurka ah.

Xigasho Hadhwanaagnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews