berberatoday.com
Taliyihii Qaybta Booliska Selal Iyo Ku Xigeenkisii Oo Ku Dhaawacmey Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Banka Giriyaad
July 28, 2016 - Written by Berbera Today

Selel(Berberatoday.com)-Taliyaha Qeybta Booliska  gobolka Selel Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, Taliye Ku-xigeenkiisii   gaashaanle Raage Muuse Dirir iyo dirawal  Boolis dable Maxamed Sugge Muumin.ayaa dhaawacyo culusi soo gaadheen isla markaana xaaladooda caafimaad aad u culus tahay,  ka dib markii ay shil gaadhi ku galeen banka giriyaad oo ay isku dhaceen gaadhigii ay wateen iyo baabuur weyn oo xammuul ahi xalay fiidkii.

TALIYE

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Saylac kabtan Xasan Cabdisalaan Yuusuf oo khadka Telefoonka  aanu ku waydiinay xaalada saraashiisha booliska gobolka ee dhaawacmay ayaa sheegay in dhaawacyo culusi ay soo gaadheen isla markaana aan wakhtigan laga warbixin karin laakiin ay qaadeen dhanka degmada Saylac xarunta gobolka

Taliyuhu  waxa uu intaa  ku daray  in  labada gaadhi ay isku dhaceen xilli habeenimo ah iyadoo ay isu qarisay labada gaadhi dabaylo waawayn oo ka dhacaya xilligan banka giriyaad.

Dhinaca kale Maayarka  Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu isagana  wax ka weydiinay  gurmadka ay u fidiyeen saraakiisha ciidan ee shilka gaadhi dhaawacyadu ka soo gaadheen ayaa sheegay in aanay haynin oo aanay degmadu lahayn gaadiidka gurmadka Caafimaadka deg dega ah ee loo yaqaan Ambalaaska isla markaana uu xidhan yahay Cisbitaalka  guud ee degmadu.

“Shilkaa gaadhi wuu  jiraa waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Selel iyo Taliye ku-xigeenkiisa iyo dirawalkoodii waxaanay ku jireen taliyeyaasha dhaawacmay iyo Guddoomiyaha gobolkuba kormeer shaqo oo ay ku soo marayeen deegaano badan oo ka  tirsan gobolka Selel,”ayuu yidhi Maayarka Saylac, waxaanu intaas ku kabay

“Shilkuna  wuxuu ka dhacay deegaanka degmada Saylac waxaanay isku dhaceen gaadhi weyn oo Xammuul ah waxaana deegaanka ka dhacayay dabayloo waaweyn oo sabab u noqday shilkan oo labad gaadhi isu qariyay,Degmadu ma laha wax gaadiid gurmad caafimaad ah oo aanu ku soo qaadno saraakiisha  dhaawacmay mana jiro cisbitaal degmada ka shaqeeya oo aanu keenaa oo dhakhtarka magaaladu laba sanoba wuu xidhan yahay.”

 

Geesta kalena, gaadhigii kale ee xamuulka ahaa ee ay isku dhaceen baabuurka saraakiishani wadatay ayaanay jirin wax khasaare ah oo ka soo gaadhay shilkan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews