Turkiga: 2,400 Oo Ruux Oo Milateri Ah Oo Shaqada Laga Eryey
July 28, 2016 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Turkiga, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in ay shaqada ka erisay in ka badan 2,400 oo ruux oo ciidamada militeriga ku jirey, iyadoo sidoo kale xirtey dhowr warbaahin, taas oo u muuqata howlgallo baaxad leh oo ka dhashay kadib isku deygii afgembi ee fashilmay ee la doonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bartamihii bishan.