berberatoday.com
” Dekeda Berbera Xukuumaddu Ma Kiraynayso, Mana Iibinayso Hasayeeshee waa la maalgalinayaa, Dekedana inagaa leh, Berbera waxay ka mid ahayd marsooyinka ugu caansan madaqada geeska Afrika Iyo Marin-biyoodka badda cas”. Maxamuud Xaashi
July 29, 2016 - Written by Berbera Today

“Hesiishkan Xukuumadda Somaliland ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay, xaq ayey u lahayd inay gasho oo saxeexdo, qaanuun iska kaayo hor taagayaana ma jiro, dastuurka qaranka waxa ku xusan si cad in Xukuumaddu ay kirayn karto ama ay iibin karto hantida ay masuulka ka tahay, Xukuumadii la doortay ee Umadda kalsoonideeda haysata ayaanu nahay”.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, waxa Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeedka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugu muuqdaa mid muhiim ah oo wakhtigan loo baahan yahay, dekeda Berbera waxay ka mid ahayd marsooyinka ugu caansan madaqada geeska Afrika iyo marin-biyoodka badda cas, maantana waxay ka mid tahay kuwa ugu dambeeya, waa marin Istaraatiiji ah, Somaliland dhaqaalaheeda waa u bud-dhig, sidaa darteed Xukuumaddan waxa ka go’an in horumarin weyn iyo maalgashi lagu sameeyo.
 
Waxaanu u dooranay shirkada DP World, waxay noqotay shirkadii ugu soo jeedinta (proposal) fiicanaatay ee ugu baayacaada fiicnaatay. Dekeda Berbera Xukuumaddu ma kiraynayso, mana iibinayso hasayeeshee waa la maal-galinayaa, Dekedana inagaa leh, waxa aynu wada abuuraynaa  annaga iyo DP World shirkad maamusha hawl maalimeedka joogtada ah, oo inaga dhaxaysa. Cad ayeynu guulaynaa, inaguna waxaynu leenahay hantida iyaguna way maalgalinayaan, labadeena qolaba faa’iido doon ayeynu nahay. Waxaanu u aragnaa heshiiskii ugu qiimaha badanaa marka la eego sideedii kanbani (Company) ee kaleba kii ugu fiicnaa ayaanu u aragnaa.
Golaha Wasiirada waxay ay maanta ansixiyeen oo aanu soo hor dhignay hesiishkaas, waxa Xukuumadda kala shaqaynaya khuburo caalamiya oo badan, waxana aanu galinay aduun badan maadaa oo uu yahay heshiis culus oo loxodan, Somaliland-na aanay hore khibrad ugu lahayn. Waxaas oo khubaro ah waxaanu lacagta u galinaynay in aanu galno heshiis sugan, cad oo aan muran badan abuurin isla markaana bad siman salka ku haya, oo maslaxadeena ka turjumaya, aad baanu ugu  qanacsanahay.
Hesiishkan Xukuumadda Somaliland ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay, xaq ayey u lahayd inay gasho oo saxeexdo, qaanuun iska kaayo hor taagayaana ma jiro, dastuurka qaranka waxa ku xusan si cad in Xukuumaddu ay kirayn karto ama ay iibin karto hantida ay masuulka ka tahay, Xukuumadii la doortay ee Umadda kalsoonideeda haysata ayaanu nahay.
Maadaama ay maanta golaha Wasiiradu ansixiyeen heshiishkaasi, waxanu gayn doonaa Golaha Wakiilada, sharaxaad badan ayaanu ka bixin doonaa, waxana aanu rajaynaynaa inuu hesiiskaasi meel mari doono Hadii EEBE idmo.” 
ALLAA MAHAD LEH.
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi
Guul Umadda Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews