“Heshiisku Waa Soddon Sanadood, Iyo Koleyba Toban Sanadood Oo Kale Oo Si Sunna Ah Loogu Daro..Nin Hulaabasho Xumi Inuu Wax Qarsanayo Baa La Moodaa, Heshiisku Maaha Mid Isu Dheeli Tiran Oo si Dhab Ah Looga Fiirsaday”.Siyaasi Cali kubad
July 29, 2016 - Written by Berbera Today
“heshiisku waxuu leeyahay shirikadu waxay qaadan doontaa boqolkiiba shan iyo lixdan(65%), halkay Somalilandna ay heli doonto boqolkiiba shan iyo soddon(35%). .Heshiiska dekeda Berbera waa la gorgortankii Cifriidka oo kale (Faustian bargain)”.
Heshiiska dekeda Berbera waa la gorgortankii Cifriidka oo kale (Faustian bargain).
Shaydaanku Ilaahay ha innaga fogeeyee waxuu dadka u qurxiyaa waxa khariban iyo xumaanta oo dhan, waxuu ku tusaayaa lacag iyo maal xaaran ah oo fara badan iyo fusuq, waxuu kaa fogeeyaa naxariista, waxuu ku xalaaleeyaa xaaranta, xaqa iyo runtana wuu kaa fogeeyaa, waxuu kugu kelifaa inaad dadkaaga been-cad u sheegtid, waxuu ku odhanayaa maxaa kaa galay dadka kale mar hadii aad adigu xoolo badan mashruucan ka heleysid, waayo ‘miskiin baa miska la fuulo leh’. Bal hadaba laaca aragtaye, laaga ma ogtahay. Dekada Berbera cabirkeedu waa lix boqol oo mitir, DP world waxay ku balan qaaday inay ku kordhin doonto afar boqol oo mitir oo kale markay Dekadu sharuudahan soo socda qaar ka mid ah ay ka soo baxdo. Kow, imminka sanadkii walba waxa isku celcelis ahaan (average) dekada yimaada afartan kun oo koonteyner(40,000 containers), sidaas darteed waxa DP world leedahay markaanu gaadhsiino saddex boqol oo kun oo koonteyner sannad walba, baanu ku samayn doonaa kordhiska dekada lagu kordhinayo afarta boqol ee mitir (Dekada labaad). Mushkiladuse waxay noqotay dekeda imminka jirtaa waxa mugeedu yahay( actual capacity) oo ay qaadi kartaa laba boqol oo kun oo koonteyner oo keliya. Hadaba ma annagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?
Ta labaad, DP world iyo xukuumadan Kulmiye ee dooneysa inay dekada ka kireyso waxay ku xisaabtamayaan boqol kiiba soddon kii (30%) ay tidhi Itoobiya “Waa inaynu kala soo degnaa dekada Berbera”. Waxa inoo muuqata inaanu jirin jid weyn ama jid tareen(railway road) oo si sahlan isugu xidha dekada Berbera iyo dalka Itoobiyaa, markaas miyaanay u ekeyn “quud aan jirin fandhaalo usoo guro” oo aynaan ku xisaabtamaynin wax khiyaali ah oo aan jirinba? Waxa jirey heshiis lala galay dawlada Itoobiyaa inay baabuurtooda xamuulka ahi sida kuwa sibidhka innoo keenaa ay bixiyaan lix iyo toban iyo badh dollar ($16.5) baabuurkiiba; hadana ilaa iyo maantadan aynu joogno baabuur qudha lagama qaado lacagtaas, Waddadeenii jaabo-jaabada ahydna way burburiyaan. Bal xukuumadeena $16.5 qaadi kari weydey baa innagu leh Itoobiya ayaanu Berbera waxa uga soo dejineynaa. Eebow Qaadir.
Ta saddexaad, heshiisku waa soddon sanadood, iyo koleyba toban sanadood oo kale oo si sunna ah loogu daro heshiisyada noocaas ahi( concessions) markay dhamaadaan. Dekaduhu inta badan waxay si fiican u ciidamiyaan ( life span) konton sannadood, markaas haday xitaa DP world inoo dhisto dekadan afarta boqol ee mitir ah, waxay noqonaysaa dekad ay shirikadaas markay macaanka ka dhameysato ay inooga tegi doonto qalfoofkii. Waxa intaas dheer, heshiisku waxuu leeyahay shirikadu waxay qaadan doontaa boqolkiiba shan iyo lixdan(65%), halkay Somalilandna ay heli doonto boqolkiiba shan iyo soddon(35%). Waxa kale oo heshiiska ku jira inay DP world ay sanad walba ku kordhin doonto cashuur kidmadeed la saari doono waxii ka dhoofaya iyo waxii kasoo degayaba, oo ku dhow boqolkiiba shan sanad walba. Waxay taasi keeni doontaa inay dadkeenu wax kala soo degaan dekadaha dalalka shiisheeye, amaba ay dekadaheena yaryar ay si sharciga ka baxsan( contraband) wax ugala soo degaan. Ta kale, waxii cashuur kordhin ah noocay doontaba ha ahaatee, waxa fiican inay dawlada Somaliland ay gacanta ku hayso, laakiin heshiiskani waxu awood aan Distoori ahayn siinayaa DP world.
Ta afraad, waxa la yidhi “nin hulaabasho xumi inuu wax qarsanayo baa la moodaa”, heshiiska waxa xukuumada Somaliland uga qayb gala wasiiro iyo mareeyayaha dekada Berbera, haseyeeshee waxa ka maqan fagaaraha dad ama masuuliyiin kale oo heshiiskani quseeyo sida wasiirka ganacsiga. Tolow maxaa sababay in wasiirkii ganacsigu aanu fagaaraha marnaba uga muuqan. Ta kale, todobada qof ama shanta ah ee maarayn doona maamulka dekadu( board of directors) waa haduu heshiisku hirgalee, waxa ku jira dad aan ku haboonayn mansabkaas (conflict of interest) sida inanka uu Madaxweynuhu sodoga u yahay( waa hadday dhabtahaye) iyo saaxiibkii oo ay wasiirad walaalo yihiin. Ta kale, wada hadalka heshiiska labada dhinacba marka Dubai la joogo waxa xidhiidhiye ka ah( liaison) wiil (curyaan ah) reer Somaliland ah oo Dubai ku nool, haddii qolada Carabta ahi ay telifoonka inankaas ka qaban waayaan, waxay weftiga Somaliland ka socdaa ay hoteelka iska dhex fadhiyaan ilaa uu inankaasi uu Carabta qaarkood telifoonka ku helayo. Cajiib!
Ta shanaad, daraasad uu sameeyey Bankiga adduunku( world bank) waxay sheegta inaanay inoo fiicnayn bixinta dekadu ( concessions) marka dhinaca dhaqaale laga eego waayo waa dakhliga uga weyn ee Somaliland soo gala. Bankiga adduunku waxuu inoogu balan qaaday intaynaan wada hadalka la gelin DP World inuu inoo soo iibiyo tabaruc ahaan Dooni( tag boat) ah kuwa maraakiibta soo jiida oo ilaa lix milyan oo dollar($6 million) qiimiheedu yahay, waanu hakiyey in muddo ah isagoo innagu leh ‘dee maxaan idiinku soo iibinayaa haddii aad dekadiiba kiraynaysaan’. Nasiib wanaag, imminka dib ayey go’aankaas uga noqdeen oo way innoo keenayaan Doontaas. Waxa iyana xusid mudan, dadyowga daneeya madaxbanaanida iyo ictiraafka Somaliland qaar ka mid ahi inay ka biyo diidsan yihiin kiraynta dekada, iyagoo ku andacoonaya inaanay inoo fiicnayn Qaran ahaan madaama aynu raadineyno ictiraaf. Waayo bay yidhaahdeen, haddii berito ka maalin ah aynu isku dhacno DP World, dawladeeda imaaraadka ah oo awood badan lihi dhaqaale iyo siyaasiyanba, wax weyn bay inoo geysan kartaa oo ay iska keen hortaagi karaan hadafkeena ictiraaf doonka ah. Dee haddii kale, imaaraadku ha ina ictiraafo immika haduu wanaageena jecel yahay, laakiin danaha ay ka leeyihiin kiraynta dekadu waxay iminka u egtahay mid ay lacagta oo keli ah ay iskeen jeclaysiisay.
Ta lixaad, DP World way innooga aqoon badan tahay heshiisyada noocan ah, oo waa wax ay hore ugu soo shaqysteen kuna shaqaystaan hadadan. Waxay haystaan khubaradii daraasada usoo samayn lahayd, oo waxay haystaan garyaqaanadii waxan khibrada iyo aqoonta u lahaa. Somaliland way leedahay dad aqoon u leh heshiiyada noocan oo kale ah haday tahay dhaqaale iyo sharcigaba, markaas waxa haboon inay shirakada iyo xukumakada kulmiyeba ay dadka u soo bandhigaan tafaasiisha heshiiskan si ay dadku u fahmaan meesha wax loo wado. DP world iminka waxay leedahay horta heshiiska Somaliland ha saxeexdo, laakiin waxa saxeexa ka horeeya inay DP World soo bandhigto qorshihii oo dhan ( business plan-kii), umana eka inay soo bandhigi doonto qorshahaas oo faahfaahsan, taas baana dadka aniga ila midka ahna shaki galineysa, oo waxaanu u arkaynaa in wax badan la tahriibinayo.
Isku soo wada xooriyoo, heshiiskan waxa xaga danbe ka riixaya shakhsiyaad dana gaar ah wata, oo raba inay kasii xoolaystaan xukuumadan ay dhowrka bilood u hadhay iyo shirakada DP World oo iyana fursadaas quruxda badan cidla ka heshay. Heshiisku maaha mid isu dheeli tiran oo si dhab ah looga fiirsaday, waayo arrimaha noocaas ah waxa loo soo bandhigaa(tender) shirakado faro badan si ay igu beratamaan (bidding)oo tii Somaliland ay dani ugu jirto markaas heshiiska lala gala oo kontaraaga la siiyo; Waxa jirtay in iyadoo sidaas la samaynayo oo ay isku soo hadheen shirkad la yidhaahdo Mediterranean shipping Company iyo shirada Bolero, inay bash-bash DP World ay jug soo dhacay ku noqotay sidii arrinka loo wadey. Sida la sheegay waxa keenista DP world ka danbeeyey oo dad xukuumada Somaliland awood ku leh Carabta u geeyey ninka la yidhaahdo Cabdirahmaan Boore in kastuu imminka iska dhowro in laga arko saaxada. Dadka wax ma kasta ahna waxa laga dhaadhicinayaa ‘dee dekada reer baa iska haysta(Jesus Moses) oo baaba’saday ee halaga xoreeyo’. Aniga waxa ii muuqata heshiiskaas oo golayaasha sharci dejinta inta dhaameelkoodii loo daadiyo la marsiiyo oo qalinka lagu duugo, oo shakhsiyaadkii arrinkan fool eryayey ay jeegagooda Bankiga ka sariftaan, oo ay isla markiiba rabshado ka dhacaan dekada iyo Berbera-ba, oo ay markaas shirakadu amaan-darro awgeed dalka uga baxdo, oo dabadeed Imaaraadka iyo Somaliland uu xidhiidh kooda meel xun gaadho sida Djibouti oo kale. Dekada waxbaan anigu ku leeyahay muwaadin ahaan, degaankana ka mid baan ahay, markaas fikirkan aan kor ku soo sheegay waa iga talo bixin, waano, hogo-tusaalayn, dardaaran, wax toosin, iyo fikirkayga oo aan ka dhiibto aragtida aan ka qabo sida heshiiska loo maamulayo. Heshiisku heshiis qurux badan maaha runtii oo waa heshiis gol-daloolo badan leh sir-iyo-caadba(errors and omissions). Waxaan ku talin lahaa inay DP world ay dekad kale ka samaysato Berbera, oo ay horta inoo soo hesho jidkii aynu Itoobiya wax ku gelin lahayn oo aan humaag iyo madmadow toona aanu ku jirin, laakiin suuragal maaha aan waxiina idiin maamulo oo aan masaariif uun dabadeed idinka siiyo. Waar ma buudhigii madhnaa ee aynu casrul-jaahiligii dadka ka kirayn jirney ayey Carabi maanta inna dul saaraysaa innagii reer Somaliland ahayn? Waxaan maqli jirey ‘nafsigu geedna ma soo hadhsado’, oo waxay maanta u egtahay inaynu gaadhney waqtigii la inna badowsan lahaa. Cifriidku xoolo iyo dhaldhalaal been ah, buu dadka hunguriga xun tusaa, markaasay ku aakhiro seegaan. Haddii heshiisku hirgalo waxuu Cifriidku dekada uga faa’iideysan doonaa sida ugu weyn ee ay dantoodu ku jirto; hadduu hirgeli waayona markuu ugu liito waxuu dadkeena u diidi doonaa inay galaan oo wax ka soo iibsadaan ama caafimaad ahaan u tagaan Dubai, waayo Canada ayey mar dagaal diplomaasiyeed oo xun ay wada galeen, sida reer Djibouti loo galayna waynu ka wada dheregsan nahay. Madaxweyne Mursina xukunka Dubai baa ka ridey. Allow Sahal amuuraha. Siyaasi Cali Kubad.