berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Wasiir Shuceyb Warshadaha Oo Odayaal Maansoor Ka Qadeysiiyey Iyo Dagaal Cusub Oo Ka Dhexqarxay Madaxtooyada iyo Wasiirka
July 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Haldoorka Salaadiinta Subeer Awal  Oo Ka Muusooday Tiraab Kasoo Yeedh-dhay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

WAsiir Shucayb oo Hadhimo Sharafeed  Ku Maamuusay   Salaadiinta Gobollada Gabiley, Saaxil Iyo Waqooyiga/Galbeedka Hargeysa Iyo Natiijada Kasoo Baxday Kulan Shalay Dhex maray13871796_1141723519221260_1661919433_n

Hargeysa (Berberatoday.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa madaxda dhaqanka ee ku dhiirigelisay gudashada xilka dhaqan ee ay bulshada u hayan  iyo kaalinta ay ku leeyihiin geedi socodka dhaqan-dhaqaalle, siyaasaddeed iyo horumar ee ay  qaranka ugu suntan yihiin.

Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo maalintii shalay Hadhimo  sharafeed  ku maamuusay haldoorka dhaqanka iyo salaadiinta beellaha Subeer Awal oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee Magaallada Hargeysa ayaa labada dhinac kaga wada hadleen  sidii  meel loogaga soo wada jeedsan lahaa adkaynta xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumad ahaan iyo dhaqan ahaan ka dhaxaysa, taas bedelkeedana meesha looga saari lahaa wixii lid ku ah  qarannimada Somaliland iyo horumarkiisa.

Hadhimadan uu wasiirku u sameeyey madax dhaqameedka Beellaha Subeer Awal oo ay ka qayb galeen ilaa 17 Suldaan oo ka soo kala jeeda gobollada Saaxil, Waqooyiga/Galbeedka Hargeysa iyo  gobolka Gabiley ayaa ka sokow Wasiirka Wershadaha waxaa isaguna ka qayb galay kulankan Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, waxana intii hadhimadaas lagu gudo jiray ay labada dhinaca [xukuumadda iyo dhaqanka Subeer Awal] kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqaynneed ee u dhexeeya xukuumad ahaan iyo dhaqan ahaan. Kulankan oo ay warbaahintu dibada ka joogtay ayaa wararka kasoo baxay  tibaaxeen in bud-dhiggiisu ahaa sidii ay xukuumaddu ugu dhego nuglaan lahayd shaqada ay salaadiintani u hayaan bulshada deegaammada ay ka soo jeedaan isla markaana ay kalsooni buuxda ugu siin lahayd  u madax banaannida hawshooda. Intii kulanku socday ayaa sida uu Wargeyska HUBAAL xogta ku helay waxaa hadallo kooban oo uu Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse  ka jeediyey madasha uu ku sheegay in ay xukuumad ahaan mar kasta ka go’an tahay in ay ku ixtiraamayaan salaadiintan iyo guud ahaanba madaxda dhaqanka Somaliland, isla markaana ay ku garab siinayaan shaqada baaxadda leh ee dhaqan ee ay u hayaan bulshadooda, si looga midho dhaliyo horusocodka qaranka iyo bulshadiisa.13883838_1141723559221256_914844456_n

Salaadiintan  oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida salaadiinta Subeer Awal oo la yidhaahdo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele ayaa dhinacooda la weriyey in ay  niyad sami ka muujiyeen dhawaaqa kasoo yeedhay xukuumadda uu Wasiir Shucayb Wakiilka uga yahay ee hadhimadan ku maamuusay, iyaga oo soo dhaweeyey isla markaana ballan qaaday in ay  xoojin doonaan wada shaqaynta xukuumaddooda, iyaga oo gacmaha is haystana u adeegayaan bulshada ay metellaan ee ay xukuumadda iyo salaadiintuba kalsoonidooda ku fadhiyaan.

Kulankan ayaa biyo dhiciisii lagu soo gebogabeeyey sidii mawqif midaysan iyo talo midaysan loolla garab istaagi lahaa xukuumadda xisbiga KULMIYE ka dhallatay isla markaana cudud iyo codba loogu xoojin lahaa xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiintiisa madaxweynaha iyo madax weyne ku xigeenka uga qayb galaya doorashada  soo socota ee madaxtooyada.13874568_1141723545887924_117867000_n

Waa markii u horreysay ee kulan noociisu kan oo kale yahay ay isku hor fadhiistaan labadan dhinac isla markaana isfaham buuxa ka gaadhaan xaallada dhaqan iyomidda siyaasadeed ee bulshada ay metellaan.

Sida laga war qabo Wasiirka wershadaha Somaliland Mr. Shucayb Maxamed Muuse ayaa  markii uu madaxweyne Siilaanyo xilkan u magacaabay kulan sidan oo kale ah ku casuumay madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanka ee gobolka Gabiley oo ka hor wasiirnimadiisa Maayor ka soo noqday, waxaana Kulankani noqonayaa kii labaad  wasiir Shucayb  la qaato  Salaadiinta Subeer Awal wallow uu ka baaxad ballaadhnaa kulankaas hore.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews