berberatoday.com
Agaasimihii Hore Ee Cashuuraha Beriga Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekeda Berbera Iyo Eedeyn Uu Usoo Jeediyay Masuuliyiinta Xukumada Kaga Jira Gobolka Saaxil
July 30, 2016 - Written by Berbera Today

Cabdiraxmaan Jibriil CabsiiyeHargaysa(Berberatoday.com)-Aaagsimihii Hore ee Waaxda Cashuuraha Beriga wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye ayaa ka hadlay Kireynta ee Dekeda Berbera Kiraysay Xukumada Madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale eedeyn uu usoo jeediyay wasiirada, wasiiro Kuxigeenada Iyo Agaasimayaasha xukumada kaga Jira Gobolka Saaxil oo uu Ku tilmaamay kuwo isku dira Xukumada iyo shacabka Gobolka Saaxil beena ukala sheega fidmada Berbera hadiyo jeer ka dhacdana ku tilmaamay mid ay abaabulaan Masuuliyiintaasi”

Gobolkan Saaxil ee Cilinkiisa La Saari Layahay Horta Ma la lays waydiiyay Waxa ay Dadka deegaanku Ka Cabanayaan,Waayo Xaqiiqdu waxaa weeye Hadii aan dadka Runta loo sheegin oo sidii dawladii siyaad Barre Been dhegaha loogu qabto lana yidhaahdo Dalku Iskufilnaansho ayuu gaadhayaa,Batrool iyo Macaadina dibadaynu u dhoofinaynaa Waxba Keeni Mayso Waxay ku danbaynaysona waa la Ogyahay. Hadaba Shacabka gobolka saaxil iyo Xukuumada Waxaa Isku xidhi waayay Masuuliyiinta Siyaasada u Qaabilsan Gobolka hadii ay yihiin Wasiiro,ku xigeeno,Agaasimayaal iyo Xubno xilal kale hayaba kuwaasi oo xukuumadana been u sheegaya isla markaana aan laga karayn Shacabkii Waxaas iyo Waxaas Bay ka cabanayaan ee Bal ka taliya Hadaba waxaan soo jeedinayaa Hadii la doonaayo in Dadka la dejiyo Hala Waydiiyo waxa ay ka cabanayaan ee yaan lagu dayin xadhig,cagajugleyn iyo wax la mid ah,yaan loola tagin tii siyaad bare oo kale ee uu gobolada waqooyi saaray ee hada Somaliland waayo cid kastaa waa ay ogtahay wixii ka dhacay dadku waa dadkiinii Afka lagu hadlo Barta Ileen Ajaanib Maahee,Ta kale waa in wax laga qabtaa dadka siyaasiyiin isku sheega ah eek u fashilmay isku xidhka Xukuumada iyo Gobolka Saaxil,marka laga reebo Cali Xoorxoor oo aan qabo inuu lafdhabar u yahay gobolka saaxil xukuumaduna way ogtahay waxa uu Hayo,Taasi bedelkeedana Xukuumaduna ha iska dayso Dhagaysiga Kuwan aan marnaba ka bixin MAdaxtooyada ee markasta beenta uun ka dhuraaya Madaxtooyada iyo Hawlkwadeenadooda oo siyaabo kala gedisan ugu maxaafsada Magaca Madaxtooyada iyagoon marnaba ka shaqayn shaqooyinka loo igmaday waxaana ay ka sheekaynayaan qof kale shaqadiisa oo ay wad wadayaan oo ay been ka sheegayaan waxaana ay ahayd in badka lagu kala saaro CVgiisii hore iyo intuu Maamul dawladeed soo qabtay iyo welibana waaya agarnimadiisa Laakiin Maaha in qaar laga soo kaxeeyey Maqaaxiyaha iyo Madaxtooyada halkii ugu Sareeyey la geeyo dhibtaas ayaa jirta. Qodobada Markhaatiga ah ee aan kusoo gunaanadayaa waxaa weeye iyadoo shalay oo kale la xukumay 8 qof isla markaana ay mudaharaado ka dhaceen sheikh,berbera iyo Burco Ma ahayn in madaxweynaha intaa la kaxeeyo lagu dheho Kaalay oo Wadooyin Soo Fur Ama Dhagaxdhig Samee,Siyaasad Xumaanta Rakaabka Halkaas Marayay ee madaxweynaha Kaxeeyey maysan odhan waar bal 7 maalmood aynu dib u dhigno,Taasi waxay inoo cadaynaysaa kuwii ogaan lahaa ee u sheegi lahaa Madaxweynaha laba cisho ama sadex cisho dib inoogu dhiga Haba la diido toodee inay wax kale wadaan Waxayna ku tusaysaa khibrad la’aan siyaasadeed oo meesha ka jirta kuwii khibrada Lahaa meeshay degayeen ee Abdaal way Mustafeeyeen,Habeenkiiba kuwii Beenta shubi jirayna Waa ta meeshoodii Ay mudaharadaadu ka dhaceen sida Lafaruug,Sheekh iyo Dacarbudhuq markaasay welibana been la daba socdaan Madaxtooyada oo weliba laga dhagaysanayaan,Waxaan kusoo Afmeerayaa Waxan socdaa way fudud yihiin sida ay ku dhamaanayaan ee Xukuumadu Ha Saxdo Waxbaa Ka Qaldane oo Shacabka Cabashadooda Ha u dheg dhigto Hadii kale xaalku wuxuu ku danbaynayaa Caws Baasiin lagu Daadiyay oo Kabriidna Lagu Qabtay.

 

 

 

Qalinkii Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye 

Agaasimihii Hore Ee Waaxda Cashuuraha Beriga Somaliland

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews