Dabley Toogasho U Geystay Gudomiyihii Shirkada Telesom Ee Laascanood Dhawac Culusna Gadhsiyey
July 30, 2016 - Written by Berbera Today
Laascanood(Berberatoday.com)-Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa fiidkii hore ee xalay rasaas oodda kaga qaadday guddoomiyihii shirkadda TELESOM ee gobolka Sool Md Cabdirisaaq Axmed Warsame(dhabayaco), waxana ay halkaas ku gaadhsiiyeen dhaawacyo culculus oo halis ah.

Wargeyska HUBAAL oo xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay guddomiyaha gobolkaasi Sool Md Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa noo xaqiijiyey falkaasi oo uu sheegay in uu maamulka gobolku baadhitaan kuhayo, isla markaana ku daba jiro dablaydii fulisay. .