Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan Oo Maxkamada Ciidamada Qaranka Iyo Badhasaabkii Hore Ee Gabiley Laba Cisho Ugu Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa
July 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada Ciiddamada Milatariga ayaa maalintii shalay Xabsiga u taxaabtay Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan, oo ka mid ahaa Wargeyska madaxa banaan ee Saxafi iyo Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee Irin.
Wariye Maxamed Aamiin waxaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu joogay inuu dhageysto dacwad ka dhaxeysay walaashii iyo badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan.