Xildhibaan Siciid Cartan Oo Katirsan Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay In Aanu Madaxweynuhu Muddo Kordhin Diyaar U Ahayn, Wada Hadallada Turkiguna Waqti Lumis Yihiin –
July 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland kana tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye-ba ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka wakhtigooda ku qabtaan, waxaanu fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah.
Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inaan madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye midna diyaar u ahayn mudo kordhin loo sameeyo xukuumada waxaanu yidhi “Madaxweynuhu marar badan buu sheegay inay Doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso, Xisbiguna mawqifkiisa wuu cadeeyey, Madaxweynuhuna uma diyaarsana muddo kordhin dambe oo loo sameeyo, Xisbiga Kulmiye-na mawqifkiisa iyo Siyaasadiisa kuma jirto muddo kordhin ee qolada Mucaaradka waxaan leeyahay dhaliisha aan waxba ka jirin iyo baqdinta iska daaya oo Doorashada isku diyaariya”.