berberatoday.com
Hay”adda Wadooyinka Oo Saqiirtay Markii Laga Hoos-saaray Wasaaradda Madaxtooyada Faddeexadaha dul-hoganaaya Cali Mareexaan oo Afka u dhigtay Dhaqaalihii dhismaha Wadooyinka, Badhna Ugu Ololleynaaya Musharax Muuse Biixi.
July 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay”adda wadooyinka Somaliland oo kamid ah meelaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  waxqabadkeeddu bulshadda aadka u saameeyey, isla markaana intii Xukuumaddu jirtay dhistay Laamiyo tiro badan oo ay la kaashatay shacab-weynaha ayaa saqiirtay tan iyo intii wasaaradda Madaxtooyadda laga hoos saaray Hay’adda wadooyinka lana hoos geeyey wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta. 
Hay”addan ayaan la arag iyaddoo wadda shaqooyinkii mudadii Xukuumadda kulmiye tallada haysay looga bartay, kuwaasoo ay qaban jirtay markii ay madaxa banaanay iyo sidoo kale markii uu wasiir Xirsi maamuli jiraybaa, inkastoo wasiirkii hore ee madaxtooyaddu md. Xirsi uu si weyn ugu hagar baxay waxka qabashadda wadooyinka, isagoo dhisay wadooyin badan, halka uu kuwo kalena wadday, kuwaasoo  uu ku dhisay dhaqaalaha dawladda iyo gacan uu ka helay bulshadda oo iyagguna markii ay arkeen firfircoonidiisa dal iyo dibedbaa usoo huray dhaqaale ay soo ururiyeen.
Ex Wasiir Xirsi waxa uu dhisay waddooyin tiro badan, isagoo ku dhiiradday wadaada weyn ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo sidoo kale magaaladda Ceerigaabo, waxanu ka bilaabay waddo Laami ah, isagoo gaadhsiiyey kala badh, halka uu intaa kalena dhigay Caro kaawo siman oo aan ka dhicin laami. Wasiir cali mareexan ayaan isaggu waxba ku kordhin intii uu wasiirka ka ahaa hayadan.
Haddaba, bulshadda Somaliland ayaa si weyn u hadal haysaa waxqabad la’aan Wasiirka hawlaha guud Cali mareexaan kaasoo ku fashilmay dhameystirka iyo dayac tir uu ku sameeyo Waddooyinka dalka, waxanu gudashadda shaqadiisa kaga mashquulay ka qaybgalka shirar  beeleedyo iyo shirar kale oo Xisbiga kulmiye ah. Isaggoo dhaqaalihii dalka lagu dhisaayey u adeegsaday dano Siyaasadeed. 
Geest kale, wasiir Cali Mareexan ayaa ku fashilmay inuu wadooyinkii dhisnaa ee wasiirkii hore dhisay ku ilaaliyo dayac tir, kuwo uu dhiso iska daayo.  Madaxweynah Somaliland Axmed Siilaanyo ayey la gudboon tahay inuu Hayadda wadooyinka dib ugu soo celiyo madaxtooyadda ama ka dhigo wasaarad madaxbanaan, isagoo xilkeeddana u dhiibaya qof u shaqeeya oo aan ka shaqeysan, isla markaana u hayaa jaanis caafimaad qaba. La soco warbixino kashifaaya musuq-maasuqa  Wasiir Cali mareexaan.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews