Madal Il Yartu Is Qabatey Oo Lagu Maamusey Qurba Joogta Gobolka Togdheer Iyo Mudanyaal Lagu Maamusey Oo Ka Caga Jiidey
July 31, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Habeenimadii Xalay Waxa Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweynayey Qurba Jooga U Dhashay Gobolka Togdheer Ee Sanadkan Ku Soo Noqday Gobolka.

Munaasibadan Oo Ahayd Mid Si Heersare ah Loo Soo Agaasimay Isla Markaasina Ay Ka Soo Qaybgaleen Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ay Ka Mid ahaayeen Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan Iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Qorshaynta Maxamud Galaal.