berberatoday.com
Maxamuud Xaashi Iyo Cali Marreexaan Oo Ku Fashilmay Buuxinta Doorkii Waxqabad Ee Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
July 31, 2016 - Written by Berbera Today

wasiiro habarHargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo ay Muddo sanad ka yari ay ka soo wareegtay Wakhtiga uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hayay, sidoo kalena is badal lagu sameeyey Mansabka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo uu hore u hayn jiray Aqoonyahan Xasan Cabdi Madar ayaa durba waxa soo baxaya Baylaho badan oo ay Wasiir Xirsi iyo tiimkiisii shaqo wadaagta ahaa dabooli jireen kuwaasi oo hadda u muuqda inay ragaadiyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo islamarkaana ay loodin kari waayeen Raggii ku taamayay inay Qabanayaan Shaqadiisa.
Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Bahwadaagtiisii Shaqo ee Aqalka Madaxtooyada Somaliland sida Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Md. Xasan Cabdi Madar oo door weyn ku lahaa agaasinta iyo maamulka Madaxtooyada ayaa durba si weyn looga tabayaa Hawl maalmeedka Madaxtooyadda Somaliland ay ka hayeen.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo tiimkiisii Madaxtooyada oo ahaa koox aad u shaqo badan in bandanna halaha qaranka wax badan ka qabtay waxa meeshoodii ku haftay Kooxda wakhtigan Madaxtooyada ka hawl-gasha oo uu ugu horreeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa uu ahaa shaqsi baarri ah oo Aqoon daacadnimo ku dheehan tahay Hawlaha Qaranka U qaban jiray, Waxa uu si weyn dadaal ula soo galay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inuu dhinaca Wanaagsan Bulshada ka dhaadhiciyo,isagoo deg deg u dabooli jiray iinaha iyo Dacaayadaha ay Mucaaridku u soo jeedin jireen,waxa uu sidoo kale ahaa shaqsi awood u leh Buuq kasta oo dhasha oo lidi ku ah Xukuumadda inuu deg deg u damiyo, waxaana lagu xasuustaa dhacdooyin dhawr ah oo ay ka mid ahayd sidii uu u bakhtiiyay Cabashadii ka soo yeedhi jirtay Bilawgiiba, Gobolka Awdal ee ka dhan ahayd Dhinaca Saamiga Qaybsiga Xukuumadda Kulmiye,waxa ay Wasiir Xirsi Saaxiib dhaw ahaayeen Shacabka Reer Awdal waxaanu ku guulaystay inay Xukuumadda Taageeraan.

Waxa hadda Taagan Caqabado Waa weyn kuwaasi oo u hanjabaya Xukuumadda Siilaanyo islamarkaana u muuqda kuwo ka awood roon,oo muddo soo taxan,waxaanay xaaladahani soo shaac saareen Kartida Darada Masuuliyiintii buuxiyay Booskii Wasiir Xirsi ku lahaa Xukuumadda,Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cali Mareexaan oo farxad ku qaabilay Markii uu Wasiir Xirsi Xukuumadda iska casilay ayaa hadda u muuqday kuwo aan u babac dhigi Karin Xaaladaha taagan inay Batrool ku sii shidaan mooyaane. Mashruuca Dekeda Berbera ayaa u baahan in si Cilmiyaysan loo waajaho,waxaanay ka mid yihiin ladani wasiir masuuliyiinta loogu neceb yahay Gobolka Saaxil iyo Inta badan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay Wasiir Xirsi si weyn isku hayeen dhinaca Siyaasada, islamarkaaana Madaxweyne Siilaanyo u muujiyay inuu fulin karo Hawlihii uu Wasiir Xirsi Qaranka u hayay ayaa Maalmo yar kadib ay Madaxtooyaddu ka hoos saartay shaqooyin badan oo door ah oo uu Wasiir Xirsi qaban jiray sida Hay’adda Wadooyinka iyo Qaar kale ,kadib markii si fiican loo darsay islamarkaana ay isyeelan waayeen Hadalkiisa iyo Ficilkiisu,taasi oo uu isaguna aad uga Xumaaday balse Markii dambe uu isku qanciyay inuu arintaasi kaga gilgisho inuu hanto oo uu kursigaasi Madaxtooyadda uu ka hayo kaga faa’iidaysto Helista Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka KULMIYE,kaasi oo iyaduna u suura-gali wayday,waxa uu hadda ku jiraa Xaalad Hee haab ah oo aan la malayn Karin,oo wuu ka qancay inuu ambo qaado buuxinta Kaalintii adkayd ee Xirsi Qaranka u hayay oo uu kursigiisii ku fadhiyo.

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo isna lagu tilmaamo Wasiiradda aad ugu dhaw dhaw Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana loolanka u galay inuu buuxiyo kaalintii Adkayd ee Wasiir Xirsi ku lahaa Xukuumadda ayaa hadda u muuqda inuu Tamar gabay,waxaana maalmihii udambeeyay si weyn loo hadal hayay inuu olole ugu jiro in loo soo badelo Wasaaradda Madaxtooyadda oo laga raadinayo Shaqadii Saamaynta lahayd ee Wasiir Xirsi cid qabata ama buuxisa kadib markii uu ku fashilmay Wasiir Maxamuud Xaashi. Dhaqaaqii siyaasadeed ee tolmoonaa ee Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa laga tabayaa Madaxtooyada Somaliland,kaasi oo Madaxweynaha kala shaqayn jiray Dar dargalinta Hawlaha Shaqo ee balaadhan ee uu Qaranka u hayo.

 

 

 

Source:- Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews