berberatoday.com
Shir Xubno Madaxtooyada ah Ugu Qabsoomay Guriga M/Xigeenka Oo Lagu Kala Kacay
July 31, 2016 - Written by Berbera Today
Shir Xubno Madaxtooyada ah Ugu Qabsoomay Guriga M/Xigeenka Oo Lagu Kala Kacay

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir habeen hore lagu qabtay guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo Baashe Cawil Morgan iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ku soo bandhigeen qorshe ay damacsanaayeen in Baarlamanka lagaga ansixiyo heshiiskii wareejinta gacan-ku-haynta dekadda Berbera ee ay dawladdu dhawaan la gashay shirkadda Dubi Ports World, ayaa lagu kala dareeray ka dib markii xubnihiii shirkaasi kasoo qaybgalay ay badankoodii shaki wayn ka muujiyeen suurta-galnimada qorshahaasi wakhtigan xaadirka ah.
Warkan oo aanu ka soo xigannay shabakadda warbaahinta ee Qaran oo iyana ka soo qaadatay Shabakadda wargeyska xayiran ee Haatuf ayaa wax auu intaasi ku darayaa in Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi waxa goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Mr Saylici, guddoomiye ku xigeenka labaad ee wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan, wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Dheere iyo xildhibaanada Cabdilaahi Balaaki, Obsiiye, Siciid Cartan, Maxamed Cali Obama iyo Nacnac.
Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi oo iyagu hadalka bilaabay ayaa sheegay ‘dawladda’ ay ka go’an tahay in heshiiska DPW golaha wakiiladda sabtida la hor keeno si duuduub loogu ansixiyo isla markaana todobaadka danbe dekadda loo wareejiyo. Hase yeeshee xildhibaan Maxamed Cali Obama iyo Siciid Cartan ayaa iyagu shirka ka sheegay in bulshadda gobolka Saaxil si wayn ugu soo horjeedo heshiiska dekadda isla markaana aanay xiligan suurta-gal ahayn in mooshinka ansixinta taageero ku filan looga helo golaha wakiiladda. Mr Baashe Maxamed Faarax iyo Mr Cali Mareexaan ayaa iyaguna rayigaasi ku raacay labada xildhibaan.
Xildhibaan Nacnac oo isagu la dhacsanaa soo jeedinta Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi ayaa isagu arinkii la hayey meel kale ula kacay.
Dhinaca kale magaaladda Sheekh ayaa waxay xukuumadu u dirtay 150 askari, kuwaas oo u badan beesha barriga Burco ee uu kasoo jeedo madaxwayne Siilaanyo, iyadoo dhawrkii maalmood ee u danbeeyeyna dadka iyo gaadiidkaba si qalafsan loogu baadhayey magaaladda Berbera.

 

 

 

 
Xigasho: Haatuf.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews