berberatoday.com
Turkiga Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Inuu Aqbalay Baasaabboorka Soomaliland “Wuxu Noo Yahay ID Card”
July 31, 2016 - Written by Berbera Today

“Maannaan aqbalin Baasaabboorka Somaliland, manaannaan aqoonsan, wax xidhiidh ahna lama laha arrintan, waxaannu wadnaa heshiiska Soomaaliya iyo Somaliland. Annagu Soomaaliya hal weji ayaannu ku fiirinnaa, Soomaaliya dadka ku nool iyo Somaliland dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal. Waxaannu Rabnaa inay noqdaan hal dal oo Soomaaliya ah oo xooggan oo mid ah..” Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgan Bekar

Muqdisho(Berberatoday.com)-Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Danjire Olgan Bekar, ayaa gaashaanka ku dhuftay inay dowladdoodu aqbashay Fiisaynta Baasaabboorka Somaliland, ka dib markii uu Qunsulka Xafiiska Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa uu toddobaad ka hor sheegay in Turkigu aqbalay fiisaynta Baasaabboorka Somaliland.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb: Olgan Bekar, waxa uu sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Sabtidii Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in Turkigu ka shaqaynayo Soomaaliya oo hagaagta oo mid noqota, isla markaana Shacabka ku dhaqan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya iyo Somaliland ay u yihiin Turkiga Hal Shacab oo Soomaali la dhaho. Sidaas awgeedna aanay dowladda Turkigu aqoonsan ama aqbalin Baasaabboorka Somaliland.

Waxa uu Safiirku ku dooday in dowladda Turkigu Soomaaliya iyo Somaliland ula dhaqato sidii hal dal, hal wejina ku eegaan, isla markaana ay waddo sidii ay isugu soo dhawayn lahayd Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu wada oo uu gacanta ku hayo sii amba-qaadka wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey oo ay dowladda Turkigu dalkeeda ku marti-gelinnaysay. Waxaanu Safiirku intaas ku daray in Baasaabboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin ama uga dhigan yahay Kaadh-aqoonsi (ID Card) oo kale.

“Maannaan aqbalin Baasaabboorka Somaliland, manaannaan aqoonsan, wax xidhiidh ahna lama laha arrintan, waxaannu wadnaa heshiiska Soomaaliya iyo Somaliland. Annagu Soomaaliya hal weji ayaannu ku fiirinnaa, Soomaaliya dadka ku nool iyo Somaliland dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal. Waxaannu Rabnaa inay noqdaan hal dal oo Soomaaliya ah oo xooggan oo mid ah. Qunsiliyadda Turkiga ee Hargeysa waxay Fiisaha ku bixisaa Warqad ee Baasaabboor laguma qaato. Wuxuu Baasaabboorka Soomaaliya noola mid yahay Kaadh Aqoonsi (ID Card).” Sidaa ayuu yidhi Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgan Bekar.

Sidoo kale, Safiiirka Turkiga Muqdisho u fadhiyaa waxa uu ka hadlay saamaynta ka dhalatay inqilaabkii fashilmay ee qaybo Millateriga Turkiga ka tirsani ku qaadeen dowladda Turkiga, saamayntaas oo ay ka mid ahaayeen in dowladda Soomaaliya oo aqbashay codsiga dowladda Turkiga uga yimi inqilaabkaa ka dib ay albaabbada u laabtay Cusbitaalka Deva iyo Dugsiyada waxbarashada Nile Academy oo Turkigu Soomaaliya ka furay, hase-yeeshee, dowladda Turkigu sheegtay inuu lahaa Wadaadka Mastaafuriska ugu maqan Maraykanka ee Fethullah Gulen oo ay ku eedaysay inuu masuul ka ahaa inqilaabka fashilmay.

Safiirku waxa uu sheegay in Bukaan-jiifkii Cusbitaalkaas laga qaaday oo loo wareejiyey Cusbitaalkii hore ee Digfeer ee magaalada Muqdisho oo dhawaan loogu magac-daray Madaxweynaha Turkiga Tayyip Recep Erdogan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ardayda Soomaaliyeed ee Waxbarashada u joogay dalka Turkiga ee wax ka baranayey Jaamacadaha ay Masuulka ka yihiin Hay’adaha Taageera Fethullah Gulen iyo kuwo uu isagu leeyahay-ba si caadi ah looga wareejinayo, loona beddelayo Jaamacadaha kale ee isla dalka Turkiga ee ay dowladdu gacanta ku hayso.

Qunsulka Xafiiska dowladda Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa Muzaffer Yuksel, ayaa Shir Jaraa’id oo uu 21-kii Bishan July ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay in dowladda Turkigu ay aqbashay fiisaynta Baasaabboorka Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay inay Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisu ku tageen Turkiga Baasaabboorka Somaliland oo ay u fiiseeyeen. Hase-ahaatee, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo daba socday hadalkaas mar su’aal laga weydiiyey Maanta, ayaa sheegay inay u aqoonsan yihiin Somaliland qayb Soomaaliya ka mid ah.

Qunsulka Xafiiska dowladda Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa Muzaffer Yuksel, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland u gudbiyeen in albaabbada loo laabo Hay’adda Nile Academy oo uu leeyahay Sheekh Fetxullah Gulen oo ah Ninka dowladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabkii fashilmay ee 15-kii bishan ka dhacay dalkaas, kaasoo waddanka Maraykanka Mastaafuris ugu maqan.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysatay inaanay wax shaqo joojin ah ku samayn doonin Shaqaalaha iyo Shaqada Dugsiyada Nile Academy ee Somaliland ka hawlgala, iyadoo ku doodday inaanu jirin wax dembi ah oo ay Somaliland ka galeen, halka ay Soomaaliya aqbashay Codsigan mid la mid ah oo ay dalkeeda ka saartay Shaqaale afartan ka badan oo ka hawlgalayey Cusbitaalka iyo Dugsiyada Nile Academy gacanta ku haysay ee Muqdisho, kuwaasoo dhammaantood waddanka Turkiga u dhashay.

Haddaba, Safiirka Turkiga u fadhiya Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho Danjire Olgan Bekar Shirkiisa Jaraa’id ee uu Maanta ku qabtay Muqdisho, kagana hadlay arrimahaas iyo kuwo kale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews