berberatoday.com
UKRAIN: Askariyad U Geeriyootay Xanuun Ka Dhashay Candhuuf Uu Ku Tufay Nin Ay Gaadhigiisa Joojisay
July 31, 2016 - Written by Berbera Today

Dynama Kiev(Berberatoday.com)-Waxaa geeriyootay haweenay caan ka ahayd Magaalada Kiyeef ee dalk Ukrain, haweenaydan oo  ka tirsanayd Ciidanka bilayska ee dalka Ukrain laguna tilmaami jiray inay tahay haweenyda ugu quruxda badan haweenka ka shaqeeya ciidamada ee dalkaasi, balse waxa la sheegay in haweenaydan oo magaceeda la odhan jiray Arena Koltsofa inay u geeriyootay kaliya candhuuf lagu tufa,  arrinkan oo runtii yaab ku noqday dadka ku dhaqan dalka Ukrain.

Haweenaydan oo had iyo jeer aan laga reebin jirin sawirrada lagu soo qaato ciidanka bilayska dalkaasi  isla-markaana astaan u ahayd sawirrada ciidamada ayaa waxaa uu sheegay Mr Mikhayeel Kendarkafij oo isagu ahaa saaxiib ay aad iskugu dhawaayeen haweenaydan geeriyootay “Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayaa iyada oo gudanaysa hawsheeda maalin laha ahayd isla markaana taagan mid ka mida waddooyinka magaalada kiyeef ayaa waxa ay joojisay muwaadin watay baabuur oo waddada marayay, ka dibna waxa uu qaadan waayay muwaadinkaasi amarkii ay askariyaddu u soo jeedisay ee ahaaa inuu is taago, waxa kale oo uu intaa ku daray markii ay isku dayday inay qabato oo ay gacanta ku dhigto waxa uu ku tufay candhuuf oo la beegsaday Wejigeeda, ,arrintaa ayaa bilow u ahayd xanuun soo gaadhay Askariyadan, iyada oo muddo kadibna koomo gashay kadibna la dhigay dhakhtar ku yaalla magaalada, muddo lix bilood ah ayay u jiiftay xanuunkan soo gaadhay iyada oo ka go’day cunto iyo cabitaan oo dhan isla-markaana ay aad u dhuubatay, balse sidii maalin ba maalinta ka dambaysa ay wax uga sii dhacayeen geeriyootay, waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in candhuufta uu ninkaasi ku tufay sabab u ahayd xanuunkeeda “.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews