berberatoday.com
Wardegdega:- Daawo sawiro:- Qarax goor dhaweyd ka dhacay xarunta C.I.D.da ee Magaalada muqdisho ee Dawlada soomaliya
July 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

qarax-cid3Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ayaa ka soo kordhaya qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xarunta CID-da ee dambi baarista Booliska Soomaaliya, iyadoo ciidamada booliska ay toogteen dabley isku dayday inay gudaha u galaan xarunta.

Qaraxyada oo ahaa kuwo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ahaa mid laga maqlay magaalada oo dhan.

Qaraxa hore ayaa lala beegsaday afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka gidaarka dhismaha CID.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen qaraxa, inkastoo ay intaas ka badan karaan, maadaama wadada qaraxa ka dhacay ay aheyd mid mashquul ah oo gaadiidka maraan.

Qaraxa ayaa saameeyay mooto bajaaj wadada mareysay iyo baabuur kale, waxaana nawaaxiga xarunta CID ka muuqday bur burka gawaaridii qaraxa fulisay iyo kuwa kale.

qarax-cid1Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in durbaba ciidamada ammaanka ay soo afjareen howl galka, ka hor inta aanay isku dayin dableyda hubeysan inay gudaha u galaan xarunta CID.

Xarunta CID ayaa ku taala inta u dhaxeysa Isgoysyada KM5 iyo KM4, waxaa ay xaruntaas ka soo horjeedaa Hotelka Saxafi oo kol hore Al-Shabaab weerar ku qaaday.

Xaruntan ayaa lagu xiraa dadka loo soo qabto dambiyada kala duwan, sidoo kale waxaa lagu qaadaa faraha dadka doonaya inay baasaboor sameystaan,

Waa weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Muqdisho, Talaadadii la soo dhaafay ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

qarax-cid

Berberatoday.com

Muqdisho

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews