berberatoday.com
War Degdega Ah”Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Somaliland Yuusuf Geerash Oo Baqdin Awgeed Ka Guuray Xaafadii Uu Hargeysa Ka Daganaa Iyo Xaalad Cabsiyeed Oo Soo Waajahday
July 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com) Warar maalimihii udanbeeyay magaalda hargeysa gaar ahaan xaafaduu dagnaa gudoomiyaha maxkamada ciidamada qaranka somaliland korneyl Yuusuf Faarax sharmaarke  , ayaa ka guurey xili habeenimo ah oo aan dadku soo jeedin guriguu magaalada hargeysa ka daganaa gudoomiyuhu oo ku yaalay degmada gacan libaax gaar ahaa xaafada sheekh mubaarik, wararka ilaa hada aan heleyno ayaa noo sheegaya inaan la cadeyn karin oo la qarinayo meesha gudoomiyaha iyo xaafadiisu uguureen , warar aanu helayno ayaa sheegaya  inuu gudoomiyaha aaga xaafadaha Taliska guud ee ciidamada qaranka udhow lagu ilaalinayo oo gaadh culus loo sameeyay , hadaba gudoomiyaha ayaa kadib markii uu

Xukumey eedaysanayaal lagu tuhmey inay dileen Taliye Caseyr  ayaa waxaa kiiskaasi  uu udhacay baa la leeyaha Si sharci daro ah oo Xaqiiqda falkaasi iyo cidii dishey ka fog.

8 nin oo eedaysanayaal  ayuu gudoomiyuhu ku xukumey Dil toogasho ah , Halka uu qaar kale xadhig dheer uu iyana ku xukumey

Gudoomiye Yuusuf Faarax sharmaarke ayaa waxaa uu yahay nin ay ku shaqaystaan Xukumada Madaxweyne Siilanyo isaga oo ahaa Ninkii Xukumay Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid oo ahaa Korneyl kasoo jeeda Beesha Saaxil ahaana ninkii ay ka bilaabantay samayntii Jabhadioi SNM ee dalka dib uxoraysay. Yuusuf Geerash ayaa ah nin dhiigya cab ah oo hadba dawlada uu ushaqeeyo u adeega oo aan aakhiradiisa iyo ilaahay toona ka baqanin.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu daganaa xaafadaasi sanadadii udeynbeysay oo uu ahaa reeraha jeeska ah ee xaafadaasi dagan.

Halka uu raga uu dhawaan xukumey ay wada yihiin beesha uu jeeska kula degan yahay gudoomiyuhu  xaafada sheekh Mubaarik.

Gudoomiyaha ayaa Mudaharaadkii degmada gacan libaax ka dhacey baqey oo dad ku dhawdhaw noo sheegeen inuu khaakhaayirey oo habeenimadii go’aanku gaadhey inuu laga Raro oo wasiirka madaxtooyada la hadlay degdegana loo rarey.

Hadaba Berberatoday oo ukuur gashay Yuusuf Faarax sharmaarke(Yuusuf Geerash) ayaa waxay dhawaan soo bandhigi doontaa yuusuf faarax sharmaarke oo ahaa gudoomiyihii Maxkamada ciidamda qalabka sida ee soomaliya  uqaabilsanaa gobolada waqooyi  islamrkaana xukumaya rag badan oo kasoo jeeda Somaliland waxaana ragaas ugu caansanaa Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid oo lagu toogtay Deegaanka Dharkeyn Geeye ee Gobolka Sool Maxkamadiisuna xukuntay.

Ayaa waxan soo helanay Falal iyo xukuno uu horey ufuliyey oo dad waaweyn oo taliskaasi laayey uu gacantiisa ku xukumey………

Dhawaan la soco Dhacdooyinkaa iyo goobaha ay ka dhaceeen….

 

Berberatoday.com

London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews