berberatoday.com
Xarumihii Wasaaradaha Somaliland Oo Shaqadoodii Gabay Maxaad Ka Filankartaa Gobolada ka baxasana’’Warbixin xaalada dhabta Ah Ee Ka Jirta Wasaaradaha Oo Taxane Ah. Axmed Sakaaro Q/Labaad
July 31, 2016 - Written by Berbera Today
Xarumihii Wasaaradaha Somaliland oo shaqadoodii gabay maxaad ka filankartaa Gobolada ka baxasana’’Warbixin xaalada dhabta ah ee ka jirta wasaaradaha oo taxane ah.Q/Labaad
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaynu hore u soo wadnay intii la a socotay  Warbixino ku saabsan wasaaradaha dawlada Somaliland sida ay shaqadoodii u gabeen isla markaana masuul kasta oo heer wasiir,ku xigeen ilaa Agaasime Waaxeed ay isu siiyeen wasaarada uu mid waliba joogo,waxaana ii suurto gashay in mudo ah oo an ku sugnaa Magaalada hargaysa inaan mid mid u galo uguna kuur galo inta badan Xarumaha Wasaaradaha Somaliland oo badiba wax yar uun u jira Aqalka looga taliyo dalka.
Warbixintani waxay ka daaha ka faysaysaa oo muuqaal ka bixinaysaa baahida ay dadawayanaha iyo dalkuba u qabaan cid hanata shaqada ay gabeen badidaba madaxda loo igmaday xafiisyada heer wasiir ilaa Agaasime, hadaba waxaynu maantana kusoo qaadanaynaa wasaaradaha Diinta iyo Wershadaha.
Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu waxay kaambool la wadaagtaa Wasaarada Dib u dejinta iyo wasaarada  wershadaha,Markaad maqasho  wasaarada Diinta waxaad dareemi kartaa oo maskaxdaada kusoo dhacaysa  maadaama aad tahay Qof islaam ah oo muwaadin ah oo jooga ama u dhashay dal dadkiisu Boqolkiiba Boqol islaam yihiin in waasaaradaasi tahay ta ugu mudan ee ugu quruxda badan ugu wayn loo mudnaan siin ogyahay maadaama oo diinta iyo caqiiqadada aynu haysano wax ka horeeyaa aanay jirin,hadaba muuqaalka wasaaradani waa mid ka duwan sidaas aan soo sheegnay oo waxa uu dhismaheedu yahay mid gaboobay.waana wasaarada ugu qadiimisan intii aan wasaarad maraayay,halka  Madaxtooyada looga arimiyo dalkani in badan ku faanto waxaanu Fooqyo Qurux badan ka dhisnay Xarumuhii wasaaradaha dalka,waxaanaynu odhankaraa sababta ay wasaaradani u wayday xaqii mudnaanta lahaa ee ay lahayd,inay tahay sababta kaliya ee ay ku wayday waxaan dawlada kazoo galin ama  aanay soo saarin dhaqaale amaba mashaariic lagaga helayn hay,adaha ajaanibka ah ee aynu gamacaha u hoorsano.hadaba  Wasaaradani ayaa makii aan galay  sidii warbxintaydii  cadaadada u ahayd  waxaan shaqaalaha waydiiyay in ay joogaan wasiirkii iyo agaasimihii Guud ee wasaaradaasi,halka ay iigu jawaabeen inaan midna joogin,muuqaalka wasaarad dhimheedu qadiimi yahay oo aan wasiirkii iyo Agaasimihii midna Joogin ayay subaxaas iyana  iigu suntanayd wasaarada Diinta iyo awqaaftu,
waxaan u gudbay Wasaarada Wershadaha oo iyana kaamboolka la wadaagta labada wasaaradood ee Dib u dejinta iyo Diinta iyo Awqaafta,Muuqaalkeedu waa ka duwanaa sidaasi  aan kusoo arkay Wasaarada Diinta Xafiiskii iigu horeeyay ee aan galay waxa uu ahaa Xafiiska Agaasimaha Guud halkaasi oo uu kus sugnaa Agaasimaha Guud ee wasaaraadaasi shaqadiisana watay oo gudanaayayna waajibaadkiisii shaqo,halka wasiirku aanu xafsiikiisa kazoo xaadirin subaxaas.
Bal ninkaad u tahay dani iyo xaaji soo degay misna talada kugu daray isna tiisa daymood,bal ka warama umada iyo Gobolada xarumahaas hoos yimaada ee ka sugaaya wax tar iyo shaqo.
La soco  
Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews