22 Qof Oo Ka Tirsan Takfiirka Dadka Gaalaysiiya Oo Lagu Qab-qabtey Magaalada Burco Xabsigana Loo Taxaabay Caqiido Ahaana Aaminsan In Shacabka Iyo Dawlada Somaliland-ba Gaalo Yihiin
August 1, 2016 - Written by Berbera Today
Qaabkee Lagu Soo Qabqabtay Kooxdan?, Maxayse Ka Yidhaahdeen Sababta Ay Dadka Ula Tukan Waayeen, Cuntadana Ula Cuni Waayeen?, Halkeese Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeedaan?!!
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Ammaanka, Maamulka Gobolka Iyo Culimada Gobolka Togdheer gaar ahaan Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan reebta oo is kaashanaya ayay u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan koox 22 qof ka kooban oo arrinkooda muddo badan lala socday oo ka mid ah firqooyinka loo yaqaano TAKFIIRKA ee dadka Muslimka ah ku tilmaama gaalada ee gaalaysiiya.
Kooxdan 22-ka qof ka kooban oo kala ah 21 Rag ah iyo qof haweenay ah oo arrinkooda muddo badan baadhis iyo daba gal lagu hayay ayay aakhirkii u suurto gashay Culimada Wanaag Farista iyo Xumaan reebista ee Gobolka Togdheer oo kaashanaya Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Ciidamada Ammaanka kuwaasi ayay u suurta gashay in ay kooxdan xabsiga dhigaan kuwaasi oo si cad u sheegtay oo u qirtay in ay ka mid yihiin firqda Takfiirka loo yaqaano oo ka mid ah firqooyinka xad-gudubsan ee dalalka Muslimiinta ah wakhtiyadan dambe ku soo badanaya, Kooxdan la qabtay oo la sheegay in ay aaminsan yihiin in gabi ahaanba Shacabka reer Somaliland ee ay ku dhex nool yihiin iyo xukuumadoodduba gaalo yihiin oo aanay waxna la cunin, waxba la cabin sidoo kalena salaadda jamaacada ah la tukan. Masuul sare oo ka tirsan Culimada Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista heer qaran ee Hargeysa oo shalay Wargeyska FOORE arrinkan wax ka waydiiyey ayaa sheegay in kooxdaasi jirto oo ay wakhtigan ku jiraan xabsiga Magaalada Burco. Waxa kale oo masuulkani nooga warramay qaabkii lagu qabtay, cidda ay yihiin iyo sida arrinkoodu yahay waxaanu Sheekha Arrinkan nooga warramay yidhi: “Waxa ay tiradoodu dhan tahay 22 qof oo kala ah 21 nin iyo hal gabadh. Dhammaantood waa Soomaali waxaanay ku sugan yihiin wakhtigan xabsiga Burco. Waxa la sheegay in ay dhalasho ahaan intooda badani ka soo jeedaan Dalkaasi Soomaaliya iyo Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya balse ay Burco muddo badan daganaayeen dadkuna ka war hayay caqiidadoodan faadiska ah balse wakhtigan arrinkoodu bannaanka yimid sidaana lagu qabtay. Waxay yidhaahdeen Yuhuud iyo Nasaaro idinkaa ka xun oo idinku daba tukan mayno, waxna idinla cuni mayno. Waxa nagu maqaalo ah in ay illaa 2001-dii Burco daganaayeen in badan oo kooxdan ka mid ahi”.