berberatoday.com
Qiimaha Qaadka Oo Halkii Ugu Sareysay Ka Gaadhay Magaalada Hargeysa + Saamaynta Uu Ku Yeeshay Dadkii Qabatimay Cunsita Qaadka
August 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha lagu kala iibsado Qaadka oo ah Geed ay aad u cunaan dadka Reer Somaliland ayaa waxa uu maanta Magaalada Hargeysa ka gaadhay Halkii ugu sareysay.

Ka dib markii ay maanta inta badan Hakad galeen gaadiidkii Qaadka ka keeni jirey Dalka Itoobiya, taasi oo ay sabab u noqotay iska hor imaadyo maanta ka dhacay gudaha Itoobiya ka dib markii ay Mudaharaado sameeyeen Qoomiyada Oromada,

Qaadka Somalilanda

 

Waxaana ay taasi badiba keentay in uu hakad galo inta badan Qaadkii Somaliland uga iman jirey Itoobiya Waxaana Maanta Soo gaadhay Guud ahaanba Somaliland Qaad aad u yar kaasi oo ah kii inta badan ka iman jirey Gobolada Dhow dhow kuwaasi oo aanay Rabshaduhu soo gaadhin.

Sida caadiga ah waxa Somaliland Kiilooga Qaadka ah la siin jirey ugu badnaan  ilaa 140 kun oo shilinka Somaliland ah una dhiganta ilaa 19$ Doolarka Maraykanka ah,balse maanta taa bedelkeeda waxa laba jibaarbay Qiimaha Kiilooga Qaadka ah iyada oo uu maanta maraayo 280 kun oo shilinka Somaliland ah doolar ahaana noqonaysa 38$ Doolar.

Is badelka wayn ee maanta ku yimi Qaadkii iman jirey Somaliland iyo sidoo kale Qiimaha kor u kacay ee Qaadka inta so gaadhay Dalka waxay ay keentay in dadkii badiba u fadhiyi jirey Qaadku ay nastaan maanta iyada oo si wayn Magaalada Hargeysa looga dareemyo isku socodka Bulsho u badan Rag kuwaasi oo awal ahaa kuwii u fadhiyi Jirey Qayilaada.

Inta Badan marka ay arinta Qaad yaraantu ka dhacdo Magaalada Hargeysa iyo Somalilandba waxa caado ah in xiliyada Habeenkii hore ay u dhamaadaan Cuntooyinka ay Kariyaan Hudheeladu iyada oo ay Xiligaasi aad Cuntada u Cunaan Dadkii hore ugu fadhiyi jirey Qayilaada.

Sidoo kalena Sawaxan Iyo Buuq Fara Badan Ayaa Laga Dareemayaa Goobaha Faras Magaalaha Ah Ee Hargeysa Gaar Ahaan Goobihii Qaadka Lagu Iibin Jiray

Iyagoo Dadku Ay Is Tubeen Laamayada Iyo Wadooyinka Waawayn.

Magaaladan Hargaysa Ayaa Waxa Aad U Badan Dadka Qayila Iyadoo Boqolkiiba 80% Raga  Ku Noolihi Ay Yihiin Kuwo Si Maalinle Ah U Qayila Halka Tiro Yarina Ay Si Todobaadle Ah U Qayilaan Halka Sidoo Kalena Tiro Aan Badnayni Ay Yihiin Kuwo Aan Qayilin.

Hadaba Qaad Yaridan Ayaa Si Weyn U Saamaysay Quluubta Dadkii Maalinlaha U Qayili Jiray Ee Qabatimay Cunista Qaadka Iyagoo Dadka Qaar Aad Wajiyadooda Ka Dheehanyso Murugo Ay Arintani Ku Reebtay.

Geesta Kalana Magaalada Hargaysa Waxa Maalmihii Ugu Danbeeyey Ka Socday Munaasibado Iyo Muxaadirooyin Bulshada Lagaga Waaninayo Dhibaatada Cunista Qaadka Iyagoo Ay Soo Jeedinayeen Culimoda Waawayn Iyo Masuuliyiin Xukumada Ka Tirsan.

Maaha markii ugu horeysay ee ay arintani Qaad yaraantu ka dhacdo Somaliland balse waa markii ugu horeysay ee u yimaado Qaadkii ugu yaraa,

Khaalid Bulshaawi

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews