berberatoday.com
Wardegdega:- Garabkii uu hogaaminayay musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta mar labaad dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyay gudida diwaangalinta ururada siyaasada Somaliland + Maxay ku saabsan tahay Dacwadaasi
August 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):-Garabkii uu hogaaminayay musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta mar labaad dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyay gudida diwaangalinta ururada siyaasada Somaliland.

UCID jamaal

Waxaana ay dacwada ay garabkani u direen gudida ay ku sheegeen in gudoomiye Faysal aanu ilaa hadda wax talaabo ah dhankiisa ka qaadin magacaabista xubnaha garabka uu hogaaminayo uga qayb galaya qaban qaabada shirwaynaha xisbiga sidoo kalena waxya ku eedeyeen inaanu ku qancin go;aamadii ay soo saareen gudidu.
Warqadan dacwada ah ee ay direen garabka musharaxx Jamaal ayaa waxa ku qornaa mujaahid Cali Guray waxaanay u dhignayd sida tan.

10/07/16
Ku: Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta &
S Xisbiyada
Og: Gudoomiyaha XisbigMusharaxa Jagada
Madaxwaynaha Xisbiga UCID
Sumad: Gx-3/05/16
Ujeedo: Dhamaystirka Xubnaha Gudida
Qabanqaabada
Mudanayaal;
Tixraac warqadaydii hore ee sumadeedu ahayd Gx-3/04/16 ee ku taariikhaysnayd
27/07/2016(lifaaqa). Ilaa iyo maanta oo 10 maalmood laga joogo markii uu soo baxay Go’aankii Gudida Diiwaangelintu ka soo saartay Dacwadii Khilaafka UCID 21/07/16 weli magacaabistii Gudida Qabanqaabada ee min 5ta xubnood ahayd may dhamaystirmin sababtana waxa iska leh Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen.
Waxa noo cadaatay in xubnaha rasmiga ah ee xisbiga iyo guud ahaan bahwaynta UCID ay si wayn u soo dhaweeyeen Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada/ Kala Saarista Xisbiyada una arkayaan xalka, gaar ahaan shirwaynaha aan caadiga ahayn hadii uu ku qabsoomo mudadii 45 cisho ahayd ,sida ku cadayd Go’aanka Gudida.
Hase ahaato eh Gudoomiyaha Xisbigu isaga oon inaba wax la tashi iyo tixgelin ah siinin dhinicii uu isagu ku matelayay Heshiiskii Midnimada UCID ee hore labada dhinac u galeen 12/07/2012, oo haatan laga joogo muddo afar sanadood iyo maalmo ah waxa nasiib darro ah Gudoomiye Faysal mawqifkiisa horseedi kara burburka Xisbiga UCID maadaama uu ka hor yimi Go’aankii Gudida isaga oon hadana ka qaadanin racfaan oo uu xaq u lahaa inu ka qaato hadii uu ku qanci waayay Go’aanka Gudida. Inta badan dhinacii uu metalayay Gudoomiyuhu iyo xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii 3aad lagu ansixiyay kuma raacsana mawqifkiisa ogol-diidanka ah ee xal diidka ah waayo waxa cad inu wakhti lumis uun yahay si aanu u qabsoomin Shirwaynuhu ee u fashiliyo.
Sidaa daraadeed hadii aanu Gudoomiyuhu meel cad iska taagin Go’aankii Gudida Diiwaangelinta oo aanu ogolaan soona magacaabin xubnihii dhinaciisa ee Gudida Qabanqaabada ama aanu rafcaan ka qaadanin hadii aanu ku qancin waxanu ku qasbanahay in dhinacii UCID ee heshiiskii Midnimada UCID, inta ogol diyaarkana u ah badbaadinta Xisbigooda ay dib isugu noqdaan oo iyagu soo magacaabaan shan xubnood oo Gudida Qabanqaabada ah oo weliba aanu jecelnahay in ay dhamaantood noqdaan xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii xisbigu ansixiyay waayo Gudoomiyuhu dhinacii UCID wuxu ka ahaa uun qof keligiina xaq uma laha in uu taladooda maroorsado. Tan kale, waxa laga yeelayo mustaqbalka Gudoomiyaha 14 sanadood soo hogaaminayay xisbiga labada fursadoodna la siiyay inu musharax Madaxwayne ka noqdo Xisbiga ee labadiiba guul keeni waayay waxay u taalaa dhinicii UCID ee heshiiskii 12/072012
Ugu dambaystii waxanu Gudida u sheegaynaa in dhinacayagu aqbalay Go’aankii Gudida diyaarna u nahay in sidii uu ahaa u fulino dhamaan qodobadiisii, Gudoomiyuhu ama ha ogolaado ama ha diido eh. Waayo Gudoomiyuhu ma hayo xal badiil ah oon ahayn burburka Xisbiga UCID taas oon UCID xisbi ahaan aqbali karin.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Gudoomiye xigeenka 3aad
Cali Maxamed Yussuf

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews